لحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه، أما بعـد
وَلاَ يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلاَّ تَعْدِلُواْ اعْدِلُواْ هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى
Horta waxay ku fiican tahay in dadka loo sheego wax Xaqiiqo ah. Haddaad runta sheegto si kastoo qofka kaa soo horjeedo u damco inuu qariyo hubantida ma qarin karo, markay ugu yaraatana wuu kuu qirayaa! Inkastoo loo garaabi karo habarwacashada xad-dhaafka maaddaama ay waayeen sheekhyo waaweyn, sidoo kalana culumadaasi ay ka soo aflaxeen dad badan oo ku jira safka Shabaabka haddana meelahaasi oo kale waa meesha lagu ogaado macdanta qofka, geesinimadiisa iyo wuxuu galo iyo wuxuu gudo! Dhaqanka Islaamka iyo kan Soomaaliyeedba waa ku ceeb in qofku sida lo’ balowday iska saso. Arrinta ah Al-Qaadicah iyo Shabaab baa gaalo u shaqeeya ama saaxiibbo yihiin waa arrin ka fog xaqiiqda! Shaki ma leh in jawaasiis jirto laakiin guud ahaan kooxahaas iyo gaalo Ilaah baa isku diray! Toddobaad kasta gaaladu waxay dilaan dad ka tirsan kooxdaas, sidoo kalana Mujaahidiintu waxay dilaan gaalo!
Waxyaalaha Shabaab lagu Eedeyn karo
Marar badan baan soo qoray inaan Shabaab ceeb-ka-saliim ahayn! Khaladaad badan bay leeyihiin. Xaqiiqdii, qaarkood lagama fileyn. Nimanka hogaamiya Shabaabka waa dad cilimi diimeed iyo mid maaddiba laga filayo! Ma ahan sida wadaaddada qaarkood u sheegaan! Waxaan ku celinayaa inaan ka hadlayo waxyaalaha lagu qabsan karo Shabaabka. Sanooyin dhowr ah baan ka hadleynnay waxaan u aragnnay wanaagey qabteen! Qolyo sheegta inay yihiin saxaafadda taageerta Shabaab, qaarkoodna sheegtay inay gudaha Soomaaliya joogaan baa markay dareemeen inaan soo wado qoraalo wax lays dhahayo iiga digay inaanan marin halkii Shariif sheekh Axmed iyo Axmed-madoobe mareen! Waxay soo jeediyeen in Shabaabku culumo leeyahay sidaas darteedna loo daayo arrimaha Shabaab! Waxaan ku iri: haddii wax la isku deynayo, kama hadleen wadaaddo waaweyn oo kheyrkay Islaamka u soo qabteen la wada ogyahay. Waxaan u sheegay inay muraadkooda ku toosaan! Dhowr arrimood oo Shabaabka lagu qabsan karo iyo weliba Al-Qaadicah. Arrimahaas waxaa u badan la-tashi la’aan culumada iyo shacabka guud ahaan.
1- Saan soo qornnay dhowr jeer, in Hijradii Nabiguba (SCW) salka la galeyso arrimo shacab. Soow Qureysh oo Xaqii diidday ma rabin inay Nabiga (SCW) dilaan? Haddii Qureysh qaadan lahayd diinta; ma Nabigaa (SCW) u hijroon lahaa Madiina, qabiil kalana ka raadsan lahaa inay u gargaaraan diinta?!
Waan wada ognnahay sida Ahlu Siyarka iyo Muxadithiin wariyaan in markii dagaalkii Badar labadii ciidan isku soo dhowaadeen Nabigu (SCW) lahaa: dadoow ila tasha Isagoo u dan leh Ansaar. Imaamu Muslim (RC) wuxuu wariyey:
عن أنس أن رسول الله صلى الله عليه وسلم شاور حين بلغه إقبال أبي سفيان قال فتكلم أبو بكر فأعرض عنه ثم تكلم عمر فأعرض عنه فقام سعد بن عبادة فقال إيانا تريد يا رسول الله والذي نفسي بيده لو أمرتنا أن نخيضها البحر لأخضناها ولو أمرتنا أن نضرب أكبادها إلى برك الغماد لفعلنا
Abu Bakar (RC) iyo Cumar (RC) oo hadlay baa Nabigu(SCW) sii leeyahay: dadow ila taliya! Sababtu waxay tahay ciidanka meesha maraya waxaa u badan Ansaar. Cidda oday u ah waa Sacad (RC). Sacad baa Ansaar dagaal gelin karay, wuuna saxiixay dagaalka! Saasoo kale baa Shabaab laga rabaa inay ogaadaan dadka cadowga waddanka ka saaraysa waxaa u badnaanaya Soomaali. Sida Abu Bakar (RC) iyo Cumar (RC) oo hadlay loo sii rabo hadal Ansaar baa Muhaajiriin iyo hadalka madaxda Al-Qaadicah oo jira waxaa la sii daneynayaa waxa Soomaalidu ka tiraahdo arrintaas. Khaasatan inta Jihaadka ogol! Haddii xigmaddaas Nabiga (SCW) la dabo geddiyo oo la yiraahdo wiilal kooban iyo madax aan Soomaaliya joogin baa hadalkoodu ka horreeyaa kan dadka Soomaaliyeed ee la rabo inay gaalo saaraan ma aha sawaab.
2- Magaca Al-Qaaciddah ee lagu biiray baa keenaya xigmad-darro! Sheekh C/Naasir baa Garoowe ka lahaa: Shabaabku sida Suufiyadii bay madaxdooda xadka ka saareen! Waa u gar maxaa yeelay Shabaabka oo la is lahaa dowlad Islaami ah bay ku dhawaaqayaan markay ku biireen Xisbul Islaam bay la soo shir tageen magac shaki laga galiyey Muslimiintii. Culumadii caamadu Muslimiintu taqaannay oo meel kasta jooga baa intooda badan magaca Al-Qaadicah dhaliilay; Shabaabna iyadoo la rabay inay dadka u jiheeyaan in gumeysi waddanka laga saaro bay magac u tacasubeen! Dad baa dhaha maaddaama madaxda Muslimiinta iyo shacab badan dhegaha ka fureysteen Shabaab, baa Shabaabku kaalmo dhaqaale ka helaa Al-Qaacidah sidaas darteed waa inay maqlaan! Ma aha cududaar micno sameynaya hadduuba jiro! Maxaa keenaya in magac gaaladu ka hesho in lala baxo ooy ku banneysanayso dhiigga Muslimiinta in la qaato? Ma Barakaa laga raadinayaa?
Waxaa intaas dheer, in la arkay wadaaddo badan oo Shabaabka taageera oo xusaya sanad-guuradii ka soo wareegtay sheekh Usaama bin Laadan (AUN)! Kollay kumay celin khaladkaas ogaalkey! Dhib ma leh iyadoon sanad ka soo wareegin amaba waqti lagu xirin hadday ka hadlaan taariikhda sheekha laakiin waxa la diido waa sanad-guurada! Neef walba shilalkuu is dhigo baa lagu qalaa! Sheekh C/Naasir waxaan baa u muuqda!
3- Dilka Odayaasha dastuurka lagu heysto iyo maryocalas badan oon wax soo kordhineyn! Horta markii howl la sameynayo waxaa laga lahaadaa dan! Haddii odayaasha la dilay ama maryocalastu keeneyso inay dadku ka cararaan gaalo lala shaqeeyo waa la fahmi karaa laakiin taasi ma dhacdaa? Dadkii gaaladii bay ku sii cararayaan! Wadaaddadii baa hadda sii amaanaya maamullada jira! UN-kii iyo reer Galbeedkii baa ka tacsiyeynaya dilka culumadii Soomaaliyeed! Waxaaba dhici karta in dad badan u qaataan in Ban Ki Moon ama Mahiga ka jecel yihiin culumada Soomaaliyeed Shabaabka! Ka soo qaad in odayaashaasi Shirki ku dhaceen! Maxaa laga faa’iidayaa haddii la dilo oo aakhiro loo diro? Soow cadaab-u-dir maaha ileyn dantii laga lahaa inay cadowga ka soo cararaan ma muuqatee? Weyba ku sii cararayaan! Haddii Shabaabku odayaashaas iyo maryocalasta la galaan heshiis hoose wax badan baa uga qabsoomi lahaa saarista gaalada!
4- Arrintii iigu yaab badneyn waxay ahayd markaan rabay inaan tallooyin hawada u soo mariyo Shabaab baa iyadoo maalmo ka harsan yihiin markii mucaaradka Puntland u qabteen mudadda Faroole heynayo xilka Puntland waxaa la arkay Shabaabka oo weerarna ku gaacisay Boosaaso, saxaafaddooduna ka hadleyso arrinta Puntland! Hadday maalmo u sugi lahaayeen weerarkaas iyo ka-hadalka Puntland waxay u dhoweyd in mucaaradka Faroole ku kacaan oo halkaas carqalad ka dhalato! Dad badan baa mucaarad ku ahaa Faroole. Markii Shabaabku soo fara gashadayba waxaa ka faa’iiday Faroole oo kuwii ku ahaa mucaaradka yiri: waxay la jiraan Shabaab! Waxay ka hadleen idaacadahooda! Iyagaa nagu soo hogaamiyey Shabaab! Meeyey mucaaradkii Puntland ee qaarkood dibadaha ka yimid? Hadalkii baa ka xirmay?
5- Tuhun baas! Dhib ma la haateen haddii la arki lahaa anoo safiirro la shiraya ama madaxda maamul-goboleedka! Waxaa la rabaa wax dadka laga gadi karo oo xaqiiqo ah ugu yaraan marka kor laga fiirsho! Inta badan qoraalladaan ka qori jiray qolyaha Ictisaam waxay u badnaayeen waxay ka sheegeen meel fagaare ah oon qarsoodi ahayn. Waa la dhihi karaa si khalad ah baan u isticmaalnnay laakiin arrimaha la sheegayo waxay ahaayeen xaqiiqo dhacday. Waa laga yaabaa inaan si shakhsi ah mar mar u duray sheekh laakiin inta badan marna anigu kuma dhejin waxaysan ku hadlin ama kama sheegin meeleysan istaagin. Dacaayaddeydii iigu darneyd inkastoon cafis ka dalbaday waxay ahayd sida anoo dhaha: sheekhaasi waa weynaaday oo waa kharif laakiin marna uma saarin dhacdo uusan lahayn.
Dhallin qaarna qurbaha joogto, qaarna sheegtay inay yihiin saxafiyiin taageera Shabaabka baa i lahaa: Waan ognnahay in culeys ku soo fuulay! Qaar wadaaddadooda ka mid ah baa laga sheegay iyagoo leh: yaan walaalka la sii didin! Yaa iga maqlay anoo leh: dagaalka Shabaab kula jiraan gaalada iyo gaaloraacyadu waa fidnno? Ama leh gaalaan nabad keeneysa?
Sunnada Ilaahay waxay ku dureersatay in Muslimiinta Ilaah ku gargaaro Nasrigiisa iyo shacabka laftiisa sida wadaaddada qaarkood noo xasuusiyeen Aayaddan:
هُوَ الَّذِيَ أَيَّدَكَ بِنَصْرِهِ وَبِالْمُؤْمِنِينَ
Iyadooy taasi jirto haddii Shabaabku sidii la rabay u xeerin waayeen arrinta shacabka ee keentay in Makana laga hijroodo; Madiinaha loo hijroodo iyo weliba iyadoo Abu Bakar (RC) iyo Cumar (RC) oo hadlay Nabigu (SCW) u sii lahaa: dadoow ila taliya markii Qureysh la isku soo baxay dagaalkii Badar; iyagaa (Shabaab) lagula xisaabtamayaa ficilladaas! Aniga iyo walaalo kale waxaan isku deynnay oo howsha ka bilownnay in odayaasha iyo culumada joogta Wilaalooyinka lagu xiro dadka laakiin Shabaab iyagoo dowlad Islaami ah ku dhawaaqi waayey bay u tacasubeen xizbigooda, Al-Qaadicah!
Beddelkeeda wadaaddada ku waashay in Shabaabka ay soo direen gaaladu Ilaahay haka baqeen! Ma jiro cid ka yeeleysa hadalkaas oo xitaa gaalada lafteedaa og inaan waxba ka jirin! Meel kasta jawaasiis waa joogtaa! Haddii Ictisaamku hayaan madax ka tirsan Shabaabka oo gaalo u shaqeysa hanoo sheegeen oo shacabka hasoo dhex dhigeen haddii kale WALLAAHI cimaamaddaad iska rideysaan idinkoo u xanaaqsan keliya dhibka idin soo gaaray! Waxaan ku leeyahay dhallinta Soomaaliyeed: ma saasaan u rabnnaa inaan qoolal ugu jirnno wadaaddo is fiirsanaya?
Qoraallada dambe baan kaga hadlayaa haddii Ilaah idmo sidaysan Shabaabku uga faa’iideysan saxaafadda, mar marnna wax ku lid ah ka sheega! Waxaan kaloo soo qori doonaa insha Allaahu talooyin ku socda Ictisaam!
C/Waaxid C/Laahi Khaliif
Alkhilaafah.com





Inta badan qoraalkaagu wuu saxsanyahey,laakiin xillegeedi aad ayuu uga soo daahey. Warkaanoo kale waxaa loo baahnaa 2006 dii iyo waqtiyadii ku dhowaa. Laakiin hadda meel kaley arrintu ka degtey,warkaasna looma joogo hadda. Sidaas darteed xikmad kasta oon waqtigeeda iyo booskeeda dhicini xikmad ma ahan.
Is weydii C/Waaxidow maxaa sababey waxa hadda uun aad soo fah fameyso in dadka qaar 10 sano kahor fahmeen ood ku dhalleeceyn jirtey waxa hadda aad sheegeyso?
Dadku ma waxey u xannibnaanayaan adiga fahamkaaga gaabiskaa oo ilaa adigu aad wax fahamto ayey ku qasbanyihiin iney ku sugaan?
Haddana weli waxaa kuu dhimman ashwaad wa ashwaad iyo sanawaat intaad kasoo gaareyso biseyl iyo faham sax ahe maku sii sugnaa intaas ilaa aad ka fahmeyso waxa hadda aan aragno ood arki doonto markii waqtigooda aad soo gaarto?
Bal adigu talo keen!
asc wr wb bro c/waaxid mar hore waa mahadsantahay sida aad diyaarisay qoraaladaan qiimaha badan wa bacd
Walaaal waa wax lalayaabo waxyaabaha culumadu isku duufayaan
Qaasatan shabaab ayaa u sabab ah dagaaaladaas mana ogola in qaladkaas ay galaayaan waayo ahaday ogolonlahaayeen ma dhaceen waxaa dhacaya waqtigaan
Tan kale waxay la dagaaaleen dhamaaam wixii culumo sheegta oon aan iyaga taabacsanayn haday ahaan lahayd suufiya ,islaax , ictisaam
Hada waxaa muuqata in shabaabkii sii kala baxayaan oo is qooqayaan
Taas waxay daliil u tahay isla wayniga iyo anaa dhahay ee igu raac shabaabka
Ku caan baxeen
Marka laga soo tago dhinac hadaf ay ku qaldanyihiin shabaabka waxaa kalo jira qaladaad fara badan oo muuqda oo ay sameeyaan shabaabka waliba sababo dhiig daaadasho waayo waxay dagaal kusoo qaadan meelaha shacab ku badan yahay ayagoo ku andacoonaya gaalada ayaa ku duulnay
Bale waxaaaba muudaa in shacab loo soo diray
Some waxaa arkaysaa ama arki jiray waagii aan xamar joogay in ayaga suuqa bakaaraha ama meelo dad ku badanyihiin madfac ka tuuraayo kadib cararaaya
mana aqaan waxa ay eryaana
Taaasne waa masuuliyad daro haysata shaabaabka ha ahaado madax ama ciidan wayka simanyihiin
Marar badan waxaa arkay ugu yaraan 8 saacadood anoo joogo bakaaro waliba si nabad ah ayaa dhowr daqiiqo gudood suuqa noqdo mid dhiga wadooyinka qulqulo oo dhaawaca iyo
Maydka lakala garan waayo
Lkn waxaa iigi yaabka badnaa xiligaas
Markay madfaca ridaan in eheladayda iyo asxbtyda oo dagan dhanka ay madfaca shabaabku ridaaan durba isoo wacaan ayey igu dhahaan shubka gal madfac ayaa soo dhacaayee
Waliba eray cusub loo samayey madfac shabaabka oo ah ( fariinta waa timadye jawaabta ka xaroo )
Taas qaladka ugu wayn oo shaabaaabku sameeyaan xiliyada dagaalka uusan jirin
Wabilaaaaaaaaaaaaah tawfiiq
as/c c/ waaxid waxaan kuugu naseexeeynaayaa, inaad wixi munkar ah oo aad aragto, inaad gacan ku suu liso, hadaadan awoodin carabka, hadaadan awoodin niyada kanac, saxaafadana iska dhaaf,oo maxaa jira hadaad kusii jirto waxaa dhici karta inaa isku buuqdo oo aad isla hadashid arintaasaan ka baqaayaa ilaahay adiga iyo anagaba hanaga haayee as/c
c/waaxid marka aad leedahay ictisaam hanoo sheegaan jaajuusinta ku jirta madaxda shabaab keyse mataqaanid miyaa soow aasaasayaashii shabaab kama mid aheyn mase waxaad kabaqeeysaa in raad kusoo galo markaasbaad iska hubineeysaa in lagu fahmey iyo inkale shaqadaada marin habaabintaa wado wallee waa leys daba joogaa illaa nin aan jaajuus loo maleeyneyn la ogaado shaqada uu hayo.jaajuus yaa laga dhigaa mataqaan nin aan loo maleeyneyn sida adigoo kale.
c/waaxid marka aad leedahay ictisaam hanoo sheegaan jaajuusinta ku jirta madaxda shabaab keyse mataqaanid miyaa soow aasaasayaashii shabaab kama mid aheyn mase waxaad kabaqeeysaa in raad kusoo galo markaasbaad iska hubineeysaa in lagu fahmey iyo inkale shaqadaada marin habaabintaa wado wallee waa leys daba joogaa illaa nin aan jaajuus loo maleeyneyn la ogaado shaqada uu hayo.jaajuus yaa laga dhigaa mataqaan nin aan loo maleeyneyn sida adigoo kale.baadida ninbaa kula daydayi daalna kaa badane oo aan doonaheeyn inaad heshaa daa in ebedkeede.
C/waaxid. Qoraalkaaga dhinac hadii laga fiiriyo qalad baa ka buuxo. Hal tusaale basiid ah. Waxaa hadalkaaga laga dhadhaminaaya inaa ogashahay odayaasha dustuurka saxiixay dilkooda haduu wax kabadalaayo ama maslaxa ku jirto. Waa hadal khalad ah. Dilkooda waxaa ka horeeyo horta ma banaantahay sharciyan? Lakiin waxa loo dilaayo siyaasad maaha ee waa manhaj qaloocsan waayo xukun baa la siiyay murtadiin ah kadibna goowracooda ayaa la bilaabay. Xaqiiqatan waa odayaal masaakiin ah muslimiin ah dustuurkaana wuxuu godo iyo wuxuu galo war kaheen. Run ahaanti ya akhi c/waaxid waxbadan culumada waad aflagaadeesay waxay shuqul kulaheena dushaa ka saartay. Ictisaam waxaay ku heesteen ay ka digaayen aniga ahaan maanta si dhab ah u fahmay waa manhaj qaldan iyo siyaasad fashil ah. C/waaxid qisadaan iga dhuux fadlan. Walaal walaaha ka mid ah ayaa dood na dhaxmartay dodaasoo ahi. Wadaad caan ah ayaa la dilay oo wadamadaan reer galbeedka ahi dileen aniga waxaan u arkaaye wadaadkas inuu imuda faiido u leeyahay diintana wuu ya qaane maadiga ya qaane. Wuxuu arkay anigoo dilkiisa ka xun markaasuu i qabsaday oo igu dhahay waa inaad ku faraxdaa maxaa yeelay waa shahiid cizi iyo sharaf ayaa ku jirto. Wali wuu igu xanaaqay. Walaalka saaid ayaa ula yaabay maxaa yeelay dadka wax tarka ahi hadii lagaa dilo umadda maxaa faaido ugu jiro hadana waxa dilay waa gacan gaalo. Shahiidnimadiisa asageey anfaceesaa. Lakin dib ayaa ka fahmay waa hala halaagsamo oo hala baa bao
wadaadyare:
“Is weydii C/Waaxidow maxaa sababey waxa hadda uun aad soo fah fameyso in dadka qaar 10 sano kahor fahmeen ood ku dhalleeceyn jirtey waxa hadda aad sheegeyso?
Dadku ma waxey u xannibnaanayaan adiga fahamkaaga gaabiskaa oo ilaa adigu aad wax fahamto ayey ku qasbanyihiin iney ku sugaan?
Haddana weli waxaa kuu dhimman ashwaad wa ashwaad iyo sanawaat intaad kasoo gaareyso biseyl iyo faham sax ahe maku sii sugnaa intaas ilaa aad ka fahmeyso waxa hadda aan aragno ood arki doonto markii waqtigooda aad soo gaarto?
Bal adigu talo keen”
allaahu akbar! ilaahaan kugu dhaarshaye ka jawaab c/waaxidow suaashaas uu walaalku ku weydiiyey hadiiba aad wax ka garaabeyso. shacabka soomaaliyeed maalinkii uu mideysnaa ee shabaab shacab shariif ,ictisaam uusan noqon, ee shabaab wax kale la marsiin waayey oo aan ka ahayn dagaal, ee ay ku dareen in dalkaan taladiisii ay gacanta u galiyeen rag ku jira buuraha toora boora maalinkaas wixii lagu haystey ayaad adigu hadda tlmaameysaa waana 4 sano ka hor marka in lagaa garlahaa ma qireysaa .
To qoraaga CABDIWAAXID
walaal waxaan ku weydiinayaa su’aal taasoo ah waxaad tiri odayaasha dastuurka ansixiyey dilkooda maslaxad kuma jirto, hadana waxaad dhahday hadi la dilo cadaabkaa loo dirayaa kaliya ee dan kale kuma jirto, hadalkaaga sida ka muuqato waxay kuugu xukuman yihiin gaalo ileen waad ogashahay in la dilo ee maslaxad kuma jirto baa ku doodeysaa cadaabna waad sheegtay inay galayaan marka saas ma u aragtaa mase hadalkaa kaa qaloocday? taas waa mida koowaad. tan kale waxad ku celcelisaa waan taageersanahay dagaalka al shabaab ku jiraan. ok aan ku weydiiyee maxaa maslaxad ah oo dagaalkaas soo kordhiyey maxaase mafaasid ah? maalintii ethiopia ciidankeeda xamar ka baxayeen ciidanka amisom 3000 buu ahaa hadda waa lix jibaar tiradaas dhulkiina intiisii badneyd waa qabsadeen dadkii waa qaxeen waa naceen shabaab sida hadaladaada laga fahmayo tuhmooyin badan waa jiraan marka fiiriyoo ma iska taageereysaa dagaal aan maslaxad ku jirin? hadday maslaxad ku jirto ama wax laga faa,iidey bal noo tiri wa mahadsantahay
لا حول ولا قوة الا بالله
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Soomaalideenna maxaa si naga ah? Miyaanan Afsoomaali wax ku soo qorin? Arrinta odayaasha markaan ka hadlayey waxaan soo qoray sidaan iyadoon soo koobbi gareeyey oon wax laga beddelin:
“Ka soo qaad in odayaashaasi Shirki ku dhaceen! Maxaa laga faa’iidayaa haddii la dilo oo aakhiro loo diro? Soow cadaab-u-dir maaha ileyn dantii laga lahaa inay cadowga ka soo cararaan ma muuqatee? Weyba ku sii cararayaan! Haddii Shabaabku odayaashaas iyo maryocalasta la galaan heshiis hoose wax badan baa uga qabsoomi lahaa saarista gaalada!”
Miyeynaan aqoonin ereyga ka soo qaad! Carabi ahaan (هب). Haddaanba Afsoomaaligaas sahlan la isla fahmeyn; maxaa la isu daalinayaa?! Hal qof ka badan baa isoo weydiiyey oo yiri: qoraalkay ku caddahay inaan qabo in odayaasha la dilo! Haddiiba xaalad la abuurayey sida ka soo qaad aad fiqi kala soo baxaysaan haddee wax kalaan idin ka sugeynnaa! Teeda kale waxaad dadkii ka dhigteen kuwa aan Afsoomaali aqoon!
Qoraalka waxaan cinwaanka u siiyey waxay ahayd inaan Shabaabka lagu eedeyn gaalay u shaqeeyaan ee lagu eedeeyo waxa lagu qoonsan karo! Ma oran arrimahaas haddaan fahannay iyo horay cidna uma fahmin toona.
C/Waaxid
Asc dhammaan,
C.waaxidoow marka u horraysa bal noo caddee.adiga manhajkaaga cusub illeen shalay kooxaha is haya ayaad mid ka mid ah ahayd.
sixid odayaal dastuur ansaxshay maba jiro. waxna qori mayaqaaanan badankood. waxaa dastuurka ansaxshay nimaun waa soo xuleen layiri oo badankoooda xafiisyada sharif iyo gaas kayimi iyo shaqaalo dowladeed odayaashu waa shireen oo kali ah shir magac uyaal ah. marka odayaal dastuir ansixiyay waa qalad