Qisadii Nabi Muuse (CS). Q-13-naad. Maxaa Reer Banii Israa’iil uga Heybeysteen Nabi Muuse (CS) ooy Uga Heybeysan Waayeen Nabi Haaruun (CS) markay Dibiga Caabudayeen? Culumada & Mujaahidiinta oon soo Galineynno Qisadan!

Print

الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه، أما بعـد

alkhHaddaba waxaa isweydiineynnaa su’aashaas kore? Maxaa labada Nabi midna looga heybeystay markay reer banii Israa’iil dibiga caabudayeen; midna looga heybeysan waayey? Yaa shaki uga jiraa in nabi Haaruun (CS) nabi ahaa

{ قَالَ رَبِّ ٱشْرَحْ لِي صَدْرِي (25 ) { وَيَسِّرْ لِيۤ أَمْرِي (26 ) وَٱحْلُلْ عُقْدَةً مِّن لِّسَانِي (27 ) يَفْقَهُواْ قَوْلِي (28 ) { وَٱجْعَل لِّي وَزِيراً مِّنْ أَهْلِي (29 ) هَارُونَ أَخِي (30 ) ٱشْدُدْ بِهِ أَزْرِي (31 ) وَأَشْرِكْهُ فِيۤ أَمْرِي } (32 ) كَيْ نُسَبِّحَكَ كَثِيراً (33 ) وَنَذْكُرَكَ كَثِيراً (34 ) إِنَّكَ كُنتَ بِنَا بَصِيراً (35 ) قَالَ قَدْ أُوتِيتَ سُؤْلَكَ يٰمُوسَىٰ }(36

Taha 25- 36

Soow Suuratu Maryam kuma jirto?

وَٱذْكُرْ فِي ٱلْكِتَابِ مُوسَىٰ إِنَّهُ كَانَ مُخْلِصاً وَكَانَ رَسُولاً نَّبِيّاً (51 ) وَنَادَيْنَاهُ مِن جَانِبِ ٱلطُّورِ ٱلأَيْمَنِ وَقَرَّبْنَاهُ نَجِيّاً (52 ) وَوَهَبْنَا لَهُ مِن رَّحْمَتِنَآ أَخَاهُ هَارُونَ نَبِيّاً (53 )

Nabiba Haaruun (CS) halaga dhigo nabiye, wax ma ku lahaa arrinta Muuse (CS) lala diray?

 ٱذْهَبْ أَنتَ وَأَخُوكَ بِآيَاتِي وَلاَ تَنِيَا فِي ذِكْرِي (42) ٱذْهَبَآ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَىٰ (43) فَقُولاَ لَهُ قَوْلاً لَّيِّناً لَّعَلَّهُ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَىٰ (44) قَالاَ رَبَّنَآ إِنَّنَا نَخَافُ أَن يَفْرُطَ عَلَيْنَآ أَوْ أَن يَطْغَىٰ (45) قَالَ لاَ تَخَافَآ إِنَّنِي مَعَكُمَآ أَسْمَعُ وَأَرَىٰ (46) فَأْتِيَاهُ فَقُولاۤ إِنَّا رَسُولاَ رَبِّكَ فَأَرْسِلْ مَعَنَا بَنِيۤ إِسْرَائِيلَ وَلاَ تُعَذِّبْهُمْ قَدْ جِئْنَاكَ بِآيَةٍ مِّن رَّبِّكَ وَٱلسَّلاَمُ عَلَىٰ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلْهُدَىٰ (47) إِنَّا قَدْ أُوحِيَ إِلَيْنَآ أَنَّ ٱلْعَذَابَ عَلَىٰ مَن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ (48)

Taahaa 42 – 48

Nabi Muuse (CS) ma arkayey in walaalkiis Haaruun howsha wax ku lahaa oo ma howl galiyey?

 وَوَاعَدْنَا مُوسَىٰ ثَلاَثِينَ لَيْلَةً وَأَتْمَمْنَاهَا بِعَشْرٍ فَتَمَّ مِيقَاتُ رَبِّهِ أَرْبَعِينَ لَيْلَةً وَقَالَ مُوسَىٰ لأَخِيهِ هَارُونَ ٱخْلُفْنِي فِي قَوْمِي وَأَصْلِحْ وَلاَ تَتَّبِعْ سَبِيلَ ٱلْمُفْسِدِينَ

Acraaf 142

 Howshii Haaruun loo diray (CS) ma ka soo baxay?

{ وَلَمَّا رَجَعَ مُوسَىٰ إِلَىٰ قَوْمِهِ غَضْبَٰنَ أَسِفاً قَالَ بِئْسَمَا خَلَفْتُمُونِي مِن بَعْدِيۤ أَعَجِلْتُمْ أَمْرَ رَبِّكُمْ وَأَلْقَى ٱلأَلْوَاحَ وَأَخَذَ بِرَأْسِ أَخِيهِ يَجُرُّهُ إِلَيْهِ قَالَ ٱبْنَ أُمَّ إِنَّ ٱلْقَوْمَ ٱسْتَضْعَفُونِي وَكَادُواْ يَقْتُلُونَنِي فَلاَ تُشْمِتْ بِيَ ٱلأَعْدَآءَ وَلاَ تَجْعَلْنِي مَعَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ

Acraaf 150.

Wadaad ka mid ah Xarakada  Islaax baa mar fasirayey Aayaddaas iyo kuwa ka midka ah ka dhigayey in Nabi Haaruun (CS) uusan howshaas qaban isagoo ka baqayey in la yiraahdo wuxuu kala qeybiyey reer banu Israa’iil! Wadaadkaasi wuxuu soo qaatay Aayadaha soo socoda:

 قَالَ يٰهَرُونُ مَا مَنَعَكَ إِذْ رَأَيْتَهُمْ ضَلُّوۤاْ }(92 ) أَلاَّ تَتَّبِعَنِ أَفَعَصَيْتَ أَمْرِي } * { قَالَ يَبْنَؤُمَّ لاَ تَأْخُذْ بِلِحْيَتِي وَلاَ بِرَأْسِي إِنِّي خَشِيتُ أَن تَقُولَ فَرَّقْتَ بَيْنَ بَنِيۤ إِسْرَآءِيلَ وَلَمْ تَرْقُبْ قَوْلِي (93

Waxaad is leedahay wadaadku maba fiirin Aayadaha ka korreeya kuwaas oo hoos ku qoran:

{ وَلَقَدْ قَالَ لَهُمْ هَارُونُ مِن قَبْلُ يٰقَوْمِ إِنَّمَا فُتِنتُمْ بِهِ وَإِنَّ رَبَّكُمُ ٱلرَّحْمَـٰنُ فَٱتَّبِعُونِي وَأَطِيعُوۤاْ أَمْرِي (90) { قَالُواْ لَن نَّبْرَحَ عَلَيْهِ عَاكِفِينَ حَتَّىٰ يَرْجِعَ إِلَيْنَا مُوسَىٰ (91

Soow Allaha (SWT) ma laha haddaan Afsoomaali ku turjunno: waxaa xaqiiqo ah inuu Haaruun u yiri (R . B. Israa’iil) ka hor (inteysan caabudin): Toloow, waa la idin ku fidneeyey; Rabbigiinnaa waa Ar-Raxmaan, ee i soo raaca oo amarkeyga yeela!

Fiqiga laga Faa’iideysanayo

Ilaahay baa ku cilmi leh. Waxaan is leennahay wadaadkaasi wuxuusan fahmin in tafaraaruqa Nabi Haaruun (CS) sheegayo yahay inuu inta wixii aan dibiga caabudin kaalmeysto si khasab ah uga hor istaago! Nabi Haaruun (CS) baa qiraya in waanadii hadalka ahayd ku dili lahaayeen!

قَالَ ٱبْنَ أُمَّ إِنَّ ٱلْقَوْمَ ٱسْتَضْعَفُونِي وَكَادُواْ يَقْتُلُونَنِي فَلاَ تُشْمِتْ بِيَ ٱلأَعْدَآءَ وَلاَ تَجْعَلْنِي مَعَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ

Ka warran hadduu xoog isku dayo? Waa meeshan meesha maslaxadda iyo mafsadada marar badan laga sharqamiyo soo gelayaan! Yaa fiicnaa inuu Haaruun seef qaato oo dagaal ka dhaco iyo inuu gartay in Walaalkiis Muuse (CS) kala tuuri karo arrinta? Insha Allaahu arrimahan hoose buu Nabi Haaruun (CS) ogaa:

1- Inuu ogaa waxa walaalkiis Muuse (CS) galo oo gudo iyo inuu arrinta wax ka qaban karo iyadoon Muuse (CS) iyo Haaruun (CS) midna la dilin ama xitaa aan cid kale la dilin.

2- Nabiga Ilaahay oo ogaa in reer banu Israa’iil arrinta u cesheen Muuse (CS):

قَالُواْ لَن نَّبْرَحَ عَلَيْهِ عَاكِفِينَ حَتَّىٰ يَرْجِعَ إِلَيْنَا مُوسَىٰ

3- Sidii Nabi Haaruun (CS) filayey baa Nabi Muuse (CS) oo cidna leyn la xaaley shirkigii!

{ قَالَ فَمَا خَطْبُكَ يٰسَامِرِيُّ } * { قَالَ بَصُرْتُ بِمَا لَمْ يَبْصُرُواْ بِهِ فَقَبَضْتُ قَبْضَةً مِّنْ أَثَرِ ٱلرَّسُولِ فَنَبَذْتُهَا وَكَذٰلِكَ سَوَّلَتْ لِي نَفْسِي } * { قَالَ فَٱذْهَبْ فَإِنَّ لَكَ فِي ٱلْحَيَاةِ أَن تَقُولَ لاَ مِسَاسَ وَإِنَّ لَكَ مَوْعِداً لَّن تُخْلَفَهُ وَٱنظُرْ إِلَىٰ إِلَـٰهِكَ ٱلَّذِي ظَلْتَ عَلَيْهِ عَاكِفاً لَّنُحَرِّقَنَّهُ ثُمَّ لَنَنسِفَنَّهُ فِي ٱلْيَمِّ نَسْفاً } * { إِنَّمَآ إِلَـٰهُكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِي لاۤ إِلَـٰهَ إِلاَّ هُوَ وَسِعَ كُلَّ شَيْءٍ عِلْماً }

Soow Nabi Haaruun (CS) Xakiim ma ahayn? Xaqiiqdii wuu ahaa! Intuu isku dayi lahaa inuu xoog isticmaalo oo dad badan meeshaas ku le’an lahaayeen ama isaga laftiisuba ku qur bixi lahaa wuxuu la sugay walaalkiis oo howsha qaban karay! Ka warran ciddii shirki lagu dili lahaa? Yaa fiicnaa in qaarkood shirki ku dhintaan ama markay dhaheen:

 وَلَمَّا سُقِطَ فِيۤ أَيْدِيهِمْ وَرَأَوْاْ أَنَّهُمْ قَدْ ضَلُّواْ قَالُواْ لَئِن لَّمْ يَرْحَمْنَا رَبُّنَا وَيَغْفِرْ لَنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلْخَاسِرِينَ

Acraaf 149

Faa’iido kuma jirin in qaar badan shirki ku dhintaan. Waxaa fiicnaa  toobad-keenkaas sida Aayaddu sheegeyso ay ku hadleen! Mas’ladu ma aha: malagula dagaali karay Shirkigaas! Waxaa laga hadlayaa yaa faa’iido badan.

Iskaashi Dhex mara Culumada ka Maqan Saaxada iyo Mujaahidiintaba waa loo  Baahan yahay!

Horta inteynnaan Towjiihaadkayga u gelin waxaan rabnnaa inaan dhowr arrimood xasuusinno dhallinyarada cilmiga raadineysa! Ogooda, annaga laftayadu culumo ma nihin! Xitaa ma nihin ardada cilmiga! Laakiin qofka ardeyga ah hadduu rabo inuu dadka wax u sheego ama sheekh noqdo ama Mufakar ama hogaamiye siyaasadeed waxaa la rabaa markuu culumada wax ka barto inuu sii fekerro oo tajrubo la yimaado. Hadaad culumadaada weydiiso: maxaa reer Banu Israa’iil uga heybeysteen Nabi Muuse (CS); laakiin uga heybeysan waayeen Nabi Haaruun (CS) ama aad Tafaasiirta akhrisid waxay u dhowdahay inaadan helin jawaab waafi oo Nasuus ku soo aroortay oo dhaheysa sababtu saas bay ahayd. Mufasiriinta waxay xoogga saaraan inay sharxaan Aayadaha Qur’aanka. Weliba qisada Nabi Muuse (CS) waa mid ka mid ah qisooyinka ugu caansan ugana badan Qur’aanka!

Tusaale ahaan haddaan sheekh C/Qaadir-Cukaashe ka dhageysto Tafsiirka ama sheekh C/Qaadir Nuur Faarax Axaadiista, sheekh Cukaasha markuu Aayahadan Tafsiirayey wuxuu kuu keenay wixii culuamada Tafsiirka badankoodu ka tiri! Haddaad adigu sii akhrisato Tafaasiir badana waa dheeraad! Qofka ardeyga ah markuu mas’aladan ka hadlayo, wuxuu niyadda ku hayaa wuxuu culumada ka maqlay! Micnuhu ma aha ardey qalin rasaas iskala ordaya ee ardeygu wuxuu wataa cilmigii culumadaas! Waxa hadda laga hadlayo waa is-tinbaad! Khasab ma aha in Is-tinbaad kasta la yiraahdo cid aan Mujtahid ahayn ma keeni karto! Looma baahna in ardeyda dariiqa cilmiga loo fariisto! Xitaa qofka Muslimka ah insha Allaahu waxba u dhimi meyso inuusan arrintaas siiba dabo gelin maxaa yeelay ma jirto caqiiqdo ama cibaado uga xiran inuu ogaado waxa reer bani Israa’iil saas u yeeleen!

Haddii Faqiih la waayey ma loo fal la’aanayaa! Qisadan, Soomaalidu waxay ku keentay sheekho qaab daran laakiin si kale baynnu u isticmaaleynnaa haddii Ilaah idmo! Sheekha Soomaaliyeed ama kuwa kalaba kuma khasbana inay arrimahaas sii dhex galaan. Waxay hayaan shaqo ka muhiimsan oo ah inuu soo bandhigo sida culumadu u fasirtay Qur’aanka  sidoo kalana Axaaddiista loo sharxay!

Yaan loo qaadan inaan leennahay culumadii baa dad ka aqoon yari  ka farsamo fiicnaadeen laakiin sideedaba waxaa dhici karta in qof ardey ah howl fiican la yimaado! Sida qaalibka ah: culumadu ka aqoon badan ardadooda laakiin mar mar waxaa dhaca cagsiga! Tusaale ahaan, wiilkuu ka hadlayey Xaddiiska saxiixa ah ee ku jira Muslim ee wax ka wada baran jiray sixirroolaha iyo raahibka! Wiilkii cilmiguu ka bartay Raahibka buu sii tijaabiyey isagoo Ilaah baryaya! Su’aashu waxay tahay: cilmiga laga bartay culumada: ma meel baa lala fariistaa oo intoodii baa lagu soo celceliyaa mise waxaa laga sii shaqeysiiyaa maskaxda oo wixii fiqi ah oo lagala soo bixi karo baa lagala soo baxaa? Teeda kale, wiilkaas yar kheyrkuu qabtay waxaa wax ku leh raahibkii maxaa yeelay isagaa Ilaahay ku badbaadiyey.

Usoo noqon cinwaan-yaraha ka hadlaya culumada iyo Mujaahidiinta! Mid waxaan ku leennahay Mujaahidiinta! Maanta waad aragtaan meeshuu adduunku marayo! Sida Nabi Haaruun (CS) dacwadii kaddib uusan khasab uga hor istaagin dibigii la caabudayey isagoo ogaa in Nabi Muuse (CS) wax ka qaban karo, waxaa fiican in hadday jiraan culumo Soomaaliyeed oon saaxada joogin oo wax badan qaban kara in la maqlo! Kummannaan arday baa ku xiran oo hadday dhahaan: horay u socda u soconaya ama ugu yaraan joojinaya dacaayadda la idin ku wado. Idin ma lihin joojiya Jihaadka! Waddankii cadow baa jooga ee waxaa laga hadlayaa mas’alo uun. Micnuhu waa in arrin la sugi karo oo cid kale si dhib yar u qaban karo la sugo. Waxaa dhacda in adoo kheyr aad u faro badan raadinaya; shacabkii belaayo ku dhacaan. Haddii nala rumeysan waayo aan akhrinno Hadalkii Allaah (SWT):

{ وَمَآ أَعْجَلَكَ عَن قَومِكَ يٰمُوسَىٰ  (83) قَالَ هُمْ أُوْلاۤءِ عَلَىٰ أَثَرِي وَعَجِلْتُ إِلَيْكَ رَبِّ لِتَرْضَىٰ   (84)   قَالَ فَإِنَّا قَدْ فَتَنَّا قَوْمَكَ مِن بَعْدِكَ وَأَضَلَّهُمُ ٱلسَّامِرِيُّ   (85)  { فَرَجَعَ مُوسَىٰ إِلَىٰ قَوْمِهِ غَضْبَٰنَ أَسِفاً قَالَ يٰقَوْمِ أَلَمْ يَعِدْكُمْ رَبُّكُمْ وَعْداً حَسَناً أَفَطَالَ عَلَيْكُمُ ٱلْعَهْدُ أَمْ أَرَدتُّمْ أَن يَحِلَّ عَلَيْكُمْ غَضَبٌ مِّن رَّبِّكُمْ فَأَخْلَفْتُمْ مَّوْعِدِي  (86)

Suuratu Taahaa.

Waa kuma qofkaan rabin raalli ahaansha Allaah? Nabigaas Ilaahay (CS) oon cidna ka shakineyn Ikhlaaskiisa baa intaas yarta ah oo uu ka maqnnaa shacabkiisa, ku dhaceen Shirki! See loo dhihi karaa: Mujaahidiintu ma khaldami karaan ama wax looma sheegi karo? Qofkii raba inaan wax laga sheegin ha iska fariisto gurigiisa laakiin danta ummadda waa laga wada hadlayaa!

Tan wadaaddada Soomaaliyeed aan leennahaynna waa: inay arkaan in Nabi Haaruun (CS) oo Nabi ah u daayey howshii ahayd inuu xoog ku joojiyo in dibigaas la caabudo walaalkiis Muuse! Wuu ogaa ad-adayga walaalkii Nabi Muuse (CS)! Waa muhiim in la ixtiraamo qofka xoogga wax ku suulin kara! Arrinta Mujaahidiintu ku ammaanan yihiin waa qabuurihii la caabudi jiray ee la suuliyey! Waa laga yaabaa in meelaha Amisom qabsato dadka qaarkiis dib u xaarxaartaan laakiin shacabkii wuxuu arkey wadaaddadii laga biqi jiray oo wiilal yar yari ku Takbiirsadeen! Si kastoo qolo dib usoo faarfaarrato xabaalahaas; qabuurahaasi ma heli doonaan baqdintii iyo weyneyntii hore eey la haayeen! Sabab? Waxba laga arki waa! Waa ilko doofaar sahansan!

Sidoo kale culumadu ha ogaato in ardeydu wax qaban karaan! Qisada wiilkii wax ka baran jiray raahibka iyo sixiroolaha baa nagu filan. Marar badan baa cilmiga ardeydiinnu idin ka barteen ku keeni karaan kheyr fara badan! Cidda ugu horreysa ee kheyrkaas ka faa’iideysa waa idinka! Teeda kale, waxaa saaxada jooga culumo waaweyn oo idinka idin la mid ah! Sidaas darteed yaan la iska dhigin in cid kale oo cilmi taqaan oon idinka ahayn jirin! Arrimahaas aan soo sheegnnay dartood, maanta waxaa la wajahayaa xaalad adag oo ka daran tii Fircoon ama ku dhow! Haddaba sidii Nabi Muuse (CS) oo la ogaa cilmigii iyo xooggii la siiyey u lahaa: Ilaahay walaalkey igu xooji baa Mujaahidiinta iyo culumada looga rabaa inay is garab sadaan!

Waa arrinta aan darteed u beddelnnay qaabkii hore een wax u qori jirnnay! Waxaan u soconno waa kheyr iyo is-garabsi! Wey dhici kartaa in markaan Nasuus soo qaadanno loo qaato in qolo loola dan leeyahay! Dhib ma leh! Waa run oo cid kastaan u dan leennahay! Xitaa annaga qoreynna bey nasuustu na khuseysaa maxaa yeelay khaladaadkayaga baa ka badan carrada ama biyaha badda! War ha leysu yimaado! Oo Xaqa ha lagu midoobo! Cidna kama rabnno inay Xaq-darro cid kale ku raacaan!

F.G. Waxaa dhici karta in mowduucaan aan ka hadleynno lasoo gasho mas’aladii ahayd: Sharcigii dadkii naga horreeyey ma noo yahay sharci?! Dabadeedna la dhaho qoraalkani waa gubataa! Qofkii saas dhaha waa u furan tahay, lagumana canaanan karo maxaa yeelay wuxuu keenay mas’alo culumadu ka hadashay! Qofkii khaladkayaga saxana haddee waa qof kheyr noo sameeyey!

 

Golaha Dhaqangelinta Shareecada

Alkhilaafah.com

2 comments on “Qisadii Nabi Muuse (CS). Q-13-naad. Maxaa Reer Banii Israa’iil uga Heybeysteen Nabi Muuse (CS) ooy Uga Heybeysan Waayeen Nabi Haaruun (CS) markay Dibiga Caabudayeen? Culumada & Mujaahidiinta oon soo Galineynno Qisadan!

  1. Nur garaash

    Wad mahad san tiheen
    lkn ma arko in dadka wax aad u sheegsid iney aqbalayan ma aamin sani in arinta aad ka dhawajisay iney run noqon karto…
    Lkn wan jeclaan lahaa IN MUJAHIDIINTA ee fiiriyan dhanta shacabka SOMALIYEED

  2. Abu Xamza Asomalia

    C/ waaxidoow aad mujaahidiin wax u sheegtid ma xumee bal imoow dalka oo tag wilaayadka shareecada islaamka lagu maamulo ka dib fool ka fool ula kulan amiirada mujaahidiinta oo waxi aad saxi karto halkaas ka sax. Laakiin ha ka soo nac nacleenin gaalada dhaxdeeda taasna nasiixa maahee waa is muujis iyo siyaasada oo aad meel aad ka gasho rabtid. Dhalinyaro yar yar ayaa ku jira Ribaat oo kaneecadu ku cuneeysaa meel duur ah sidoo kale ay u dheertahay qaboow habeenki ah iyo haraad daran oo maalinti ah, waxay ka soo tageen caruurtoodii iyo xaasakoodii ayagoon uga soo tagin wax biil ah waxa ay sidaas u samenayaan waa kor u qaadida kalimaada towxiidka, iyo shareecada islaamka in ay ka taliso duniadaan. Adiguna waxaad ku raaxeesaneeysaa London waxaad la joogtaa caruurtaada iyo xaaskaada, carurtaadu waxay kuu qaadanayaan child benefit waxay kuu dhiganayaan iskuulo ama jaamacado, kaneeco kuma cunto qaboowga iyo kuleelka waxi yimaadana waxad uga jirtaa guri ay ku dajisay dowlada nasaarada ah ee Ingiriiskahalkas oo aad dacaayado ka soo qor qorto. Dowladaas oo aan ognahay in ay go’aansatay in somaaliya ay u soo dirto ciidamo dumiyo ku dhaqanka shareecadaka islaamka. Adeer waxaad tahay waa lagu ogyahay. Laba qof waxaa ay wax isku sheegi karaan makra ay isku marxalad ku jiraan oo daruufaha jirana ay wada qaybsanayaan. Nin hogaamiye kooxeedyadi muqdisho ka mid ahaan jiray baa hada ka hor laga hayaa markuu uu bilaabanayay dagaalkii Ashahaada la dirirka iyo mujaahidiinta in uu yiri “Anagu waan is cadeeynay ee iyagu ( mujaahidiintu) ha is cadeeyaan” Mujaahidiintu markaasba way cadeeysteen ee isagaa aqligiisa daciifka ah mar dambe soo baraarugay. Hada adiga waxaan ku leenahay “mujaahdiintu waay is cadeesay ee adigu is cadee oo dhan mar” Ama mujaahidiinta ku qanac oo jihaadka socdaa dhinac ka raac, ugu yaraan hadii aadan jihaadeen oo saaxada jihaadka tagaeenin afkaada halaga amaan helo ama is cadeey sida Bashiir Salaad, Nuur Baaruud, Shibli iyo raga la mid ka ah ayadu laftigeedu waa raganimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>