Qiimaha Shacabka. Sidee Nabigu (SCW) ula Dhaqmi Jiray Munaafiqiinta? C/Waaxid

Print

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

alkhWaxaa dhacday in dagaalkii Badar ka hor Nabigu (SCW) soo kooreystay dameer uu la fangashanyahay Usaamah binu Zeyd (RC) si uu usoo booqdo Sacad binu Cubaadah (RC) oo ahaa nabaddoonkii Khazraj. Waxay soo agmareen meel ay wada fadhiyaan Muslimiin, Munaafiqiin uu horjooge u ahaa C/Laahi binu Ubayi, iyo Yahuud. Markii Nabigu (SCW) soo duljoogsaday baa Ibnu Ubayi sanka ka qabsaday isagoo iska dhigaya in dameerku boor kiciyey oo leh: ha nagu booreyn meesha! Nabigu (SCW) Qur’aan buu ku dul akhriyey oo Islaamkuu ugu yeeray! Munaafiqii weynaa inta Nabiga (SCW) ku jeestay buu yiri: qofyahow ha noogu imaan meelahan fadhinno; u yeero ciddii kusoo raaceysa. Waxaa hadlay Ibnu Rawaaxah (RC) oo ku yiri munaafaqii: waxaa kaa fiican dhididka dameerka Nabigu (SCW) kooreysan yahay! Waxaana lagu sigtay in la isku faro saaro meeshaas ilaa Nabigu (SCW) arrinta dejiyey!

Nabigu (SCW) waa iska tagay dabadeedna markuu u galay Sacad (RC) buu ku yiri: ma maqashay waxa Abu Xubaab  (Ibnu Salool) yiri? Sacad(RC) wuxuu yiri: Nabi Alloow (SCW) waxaad Madiina timid ninkaas oo loo caleemo saari rabo inuu boqor noqdo; marka wuu kuu careysan yahee, iskaga naxariiso. Hoos ka akhri  Xaddiiskaa Saxiix ah oo dhammneys tiran. Laftiga hoose Bukhaari (RC) baa wariyey.

حدثنا إبراهيم بن موسى أخبرنا هشام عن معمر عن الزهري عن عروة بن الزبير قال أخبرني أسامة بن زيد أن النبي صلى الله عليه وسلم ركب حمارا عليه إكاف تحته قطيفة فدكية وأردف وراءه أسامة بن زيد وهو يعود سعد بن عبادة في بني الحارث بن الخزرج وذلك قبل وقعة بدر حتى مر في مجلس فيه أخلاط من المسلمين والمشركين عبدة الأوثان واليهود وفيهم عبد الله بن أبي ابن سلول وفي المجلس عبد الله بن رواحة فلما غشيت المجلس عجاجة الدابة خمر عبد الله بن أبي أنفه بردائه ثم قال لا تغبروا علينا فسلم عليهم النبي صلى الله عليه وسلم ثم وقف فنزل فدعاهم إلى الله وقرأ عليهم القرآن فقال عبد الله بن أبي ابن سلول أيها المرء لا أحسن من هذا إن كان ما تقول حقا فلا تؤذنا في مجالسنا وارجع إلى رحلك فمن جاءك منا فاقصص عليه قال عبد الله بن رواحة اغشنا في مجالسنا فإنا نحب ذلك فاستب المسلمون والمشركون واليهود حتى هموا أن يتواثبوا فلم يزل النبي صلى الله عليه وسلم يخفضهم ثم ركب دابته حتى دخل على سعد بن عبادة فقال أي سعد ألم تسمع إلى ما قال أبو حباب يريد عبد الله بن أبي قال كذا وكذا قال اعف عنه يا رسول الله واصفح فوالله لقد أعطاك الله الذي أعطاك ولقد اصطلح أهل هذه البحرة على أن يتوجوه فيعصبونه بالعصابة فلما رد الله ذلك بالحق الذي أعطاك شرق بذلك فذلك فعل به ما رأيت فعفا عنه النبي صلى الله عليه وسلم

Arrintan  aad ha loogu fiirsado

Soow meynnaan arag madaxweynayaal khudbeynaya? Ka soo qaad madaxweyne Maraykan? Wax u soo dhowaan kara ma leh! Cid aan loogu talogelin xitaa xaasaskooda iyo carruurtooda ha ahaadeene ma soo ag istaagi karaan! Hadday madaxweynayaal kale u yimaadaanna waxaa meesha ka hadla labooda keliya.

Suureyso, munaafiqii saas ahaa baa soo muslimay markuu arkay Ilaahay oo dagaalkii Badar guuleeyey Muslimiinta. Saasooy tahay, khudbada ugu caansan Muslimiinta oo Jumce kasta dhacda buu ka dhex istaagi jiray markuu Nabigu (SCW) damco inuu khudbeeyo! Nabigu (SCW) waa ka xishooday inuu afka qabto! Ogaada, diintu ma ogola in la hadlo marka Imaamku u istaago khudbada Jumcaha! Muxuu Nabigu (SCW) xeerinayey?

See Nabigu (SCW) ula Dhqmay markay Munaafiqiintu la yimaadeen dhib dil muteysta ?

Arrintani waa mid laga wada dharagsan yahay oo waa tii kal hore labada sheekh, Xasaan iyo Maxamuud-shible ka hadlayeen sababtii Nabigu (SCW) u cafiyey munaafiqii weynaa ee Ibnu Salool markuu la yimid arrimo keeni karay in lagu dilo? Labada sheekhba risaalooyin bay ka qoreen. Labada sheekhba wey isku raaceen in Nabigu (SCW) cafiyey munaafaqaas! Waxaa lagu kala fikir duwanaaday maxaa Nabigu (SCW) xeerinayey. Culumadu badankoodu waxay dhahaan: wuxuu u cafiyey isagoo xeerinaya maslaxo. Inta badan hadalkooda waxaa laga fahmayaa in maslaxaaddaasi ahayd inaan gaaladuna ka sii cararin diinta iyagoo leh: Nabi Muxamed (SCW) asxaabtiisu dilaa; Muslimiinta qaarkoodna qaadin caadifad qabiil. Inkastoo culumada badankoodu u hadleen qaabka sheekh Shibli haddana cidna ma diidin in cafisku ka yimid Nabiga (SCW) sida sheekh Xasaan sheegay. Waa kan Xaddiiska culumada Islaamku ka fahantay waxa sheekh Shibli ka qoray risaaladii:

لا يتحدث الناس أن محمداً يقتل أصحابه

Daahirka Xaddiisku wuxuu tusayaa sida sheekh Shibli ka soo guuriyey culumo badan. Ilaah baa xaqiiqda og, waxaan qabaa inaan Nabigu (SCW) uga tagin dilka ninkaas dacaayadda gaalada! Haddii la yiraahdo Muslimiintuu u turay oo lagu qeydo Muslimiinta keliya waa arrin aan ku qanacsanahay ileyn wakaas Xaddiiska kore ee saxiixa ah Sacad binu Cubaadah (RC) ka dalbay Nabiga (SCW) inuu iska cafiyee. Laakiin waxaanan aaminsaneyn in arrinta la soo gasho maslaxad laga fiirinayo in gaalo ka cararto Islaamka haddii ninkaas xukun lagu fuliyo!

Arrintii Nabigu (SCW) iskaga dhaafay inuu Kacbada lagu taago  Aasaaskii Nabi Ibraahim (CS) waxa loo turayey waxay ahaayeen dad Islaamka ku cusub, Muslimiin! Ee lalama xaalayeyn dad gaalo ah!

Xaddiis kale oo sheekh Shibli soo arooriyey oo Fatxu Baariga ku jira baa Nabigu (SCW) Cumar (RC) ku dhahayey muddo dambe: haddaan maanta dili dhaho munaafaqaas wey dilayaan! Ansaartaa la sheegayaa!  Xaddiisku wuxuu ahaa: waxaa dhici karta in dilka munaafaqaas ka dhaqdhaqaajiyo sanka qoom! Micnuhu waa in Muslimiinta qaarkeed qaadaan caadifad qabiil! Haddii xaddiiskaasi saxiix noqdo waxaa laga fahmayaa inuu Nabigu (SCW) iska daayey ninkaas, ciddii u naxariisanayeyna ahaayeen Ansaar!

Ilaah baa xaqiiqda og. Waxaa dhici karta in Nabiga (SCW)  cafiska ninkaas rabay maaddaama uu ogaa wuxuu dabo joogay laakiin si aan hadal looga keenin go’aanka Nabiga (SCW) inuu maqashiiyey saxaabada hadal ay fahmayaan!

لا يتحدث الناس أن محمداً يقتل أصحابه

Madaxdii Qureysh qaar baa laga sheegaa markii la yiri muslima inay dhihi jireen: gabdhaha Qureysh ku sheekeysan ma hayaan inaan baqdin ama si kale u galnnay Islaamka? Nimankaasi, ma xishood ay ka xishoonayeen dumarkaas bay Islaamka u diideen? Mise kibir? In maslaxo la xeeriyo ma diidani sida in loo turo dad Muslim ah si aan qalbigooda wax u gelin laakiin ma aamisani in xukun sax ah oo lagu qaadi karay munaafaqaas  looga tagay baqdin laga baqayo in gaaladu diinta ka sii cararto! Ma xukun Ilaah baa keenaya in diin laga sii cararo?

Waxaan diidayo waxaa weeye, in dadka qaarkiis u soo qaataan Xaddiiskan inaan far la qaadi karin oon la jihaadi karin. Khilaaf kama jiro in  maslaxo Muslimiin la xeerin karo xitaa haddii gaalo laga cafiyo dil laakiin in dadka la gaarsiiyo in gaalo looga tago wax ku saabsan xukun qof lagu qaadayo waa arrin kale! Gaalada in loo naxariisto oo xitaa kuwooda dagaalka lagu soo qabto la sii deyn karo iyadoon xitaa madax-furasho laga qaadan waa arrimo kale! Kama hadlayo mucaamalo dhex mari karta Muslimiin iyo dad aan Muslim ahayn ee mas’alada aan culumada qaar ku heysto waxaa weeye: xukun Ilaahay oo la fulinayo ma looga tagayaa: gaalaa diin ka sii carareysa?

Haddii Nabigu (SCW) ka fekerayey in dilka ninkaas keento in gaaladu diinta ka cararto; muu dilo markii Islaamku guuleytay? Si kastaba ha ahaatee, waa caddahay in Nabiga (SCW) markii Ansaar sharaftay oo ku soo dhoweysay magaaladooda inuu inadhaha ka laabtay dhibkii weynaa ee munaafaqiintu wadeen! Naxariistiisa darteed baa Nabigu (SCW) cafiyey munaafiqiintaas isagoo ku sharfay Ansaar ileyn wakaas Sacad binu Cubaadaba leh: iska cafi!

Waxaan uga dan leennahay waa haddii Nabigu (SCW) saas ula dhaqmi jiray munaafiqiintii dadka ku dhex jirtay, weliba isagoo ka yeelay cafiskii Muslimiintu uga dalbeen munaafiqiinta; maxaa diidaya inaan innaguna wax badan xeerinno? Islaamkii qariibnimuu ku noqday. Waa in la ogaadaa cidda qariibnimada ka saareysa inay la timaaddo sifooyin heer sare ah.

C/Waaxid C/Laahi Khaliif

Alkhilaafah.com

5 comments on “Qiimaha Shacabka. Sidee Nabigu (SCW) ula Dhaqmi Jiray Munaafiqiinta? C/Waaxid

  1. xasan

    c/waaxid waxaad ka hadleeyso cid fahmikartaa majirto adiga qoray allaha ka dhigee ma waanaa? ma su aalaa?ma radinbaa?walaal madax adeeyga iska daa ee wax baro.

  2. umu ibraahim

    {ومن يشاقق الرسول من بعد ما تبين له الحق ويتبع غير سبيل المؤمنين نوله ما تولى ونصله جهنم وساءت مصيراً}.
    دأب بعض من ينتسبون إلى الإسلام على إلصاق التهم العظيمة الباطلة بالمجاهدين.
    وذلك بعدما رأوا أن المسألة خرجت من بين أيديهم تماماً، واصبحوا في عداد المهملين،فهم يحاولون اللحاق بالركب ولو على حساب دماء وأعراض وأرواح الصادقين الذين باعوا أنفسهم لله.
    لماذا نرى هؤلاء المنافقين المخذّلين يلهثون وراء دعاوى الطواغيت واباطيل المرتدين، بينا نراهم في الوقت ذاته يُعرضون ويصدون عن نداءات أولياء الله الصالحين من المجاهدين؟!
    لماذا نراهم يسابقون الأعداء في التحاكم إلى غير ما أنزل الله – التحاكم إلى قانون”نابليون” و”ديكارت” و”أبقراط” و “سقراط”وغيرهم من الملاحدة – بينما نراهم في نفس الوقت ينبذون كل ما له صلة بالإسلام الصحيح الذي جاء به النبي صلى الله عليه وسلم وطبّقه من بعده سلف هذه الأمة رضوان الله تعالى عليهم أجمعين، وفق فهم النبوة الصافي؟!
    لماذا؟!
    ونحن نعيش بأرواحنا ونرى بأم أعيننا كيف يفعل أولئك المتمسلمون! فما من ناد يُسب في الله علنا جهاراً نهاراً إلا وأتوه أذلة صاغرين! وما من مجلس كفري، يُحكم فيه بقانون البشر؛ إلا وأحتموا ببابه! بينما في نفس الوقت نراهم يفرون من مواطن النزال والحمام والأجر العظيم، فرار الطرائد من الأسود!
    لماذا يكيلون بمكيال اليهود والنصارى، فإذا رأوا الآيات التي توافق هواهم، قالوا؛ “هذه لنا”، وإذا قُرأت عليهم آيات محكمات وذكر فيها القتال والبراءة من الملاحدة والكفار والمنافقين، قالوا؛”هذه ليست لنا! بل لغيرنا”؟! لماذا هذا التناقض في الأفكار والأعمال؟!
    لماذا كل هذا الشقاق لله ولرسوله ولعباده المؤمنين؟!
    أجيبونا! افصحوا عن مرادكم، واعلنوا عن مبتغاكم، وكفاكم تمسحاً بالإسلام، وكفاكم عبثا بالمصطلحات الشرعية، وأوقفوا لي أعناق النصوص، من قبل أن يحق عليكم القول، فتصبحوا في صف؛ {وإذا لقوا الذين آمنوا قالوا آمنا* وإذا خلا بعضهم ببعض قالوا اتحدثونهم بما فتح الله عليكم ليحاجوكم به عند ربكم أفلا تعقلون}.

  3. Ali

    Ninkani waa fulay misna jaahilnimo xoog lihi ku habstay. Waxaad u baahantahay faham dheer. Waxan u jeedaaa midkan waxbaan qoray dhahaya ee la dhaho Abdi khaliif. Anigu waaxid dhihi maayo. Mida kale, xukunkii Rasuulka SCW EE cafiskii ninkaa aad sheegtay haddaad fahmi waysyay ujeedada dheer ee Nabbigu kalahaa hadalkiisa saxiixa ah kolay wax badan ayaa kaa qarsan, arragtida Nabbigana waa la garan karaa si hufan mana ahayn mid sida aad tiri uu qabiil dartiis u sameeyay ee waa ujeedo iyo vision aad iyo u fog oo ku qotoma habdhaqankiisii bulsho ee wacnaa ee gaal iyo Muslimba. Mida kale diintu waa faham ee ma aha qiyaas sida kaa muuqata adiga.

  4. dalmar

    c/waaxid wax qaldan ugama jeedo ee ninka kadaaya xasadka nabiga csw asaaba jeclaa in ibnu salool soo islaamo. xad ku waajibay oo in ladilo ahna muusan jirin oo alle haduu nabigq csw aayad kusoo dejin lahaa wuu dililahaa. nabiga csw markuu c/llahi dhintay waa ku dukaday ee marki cumar kadiiday yiri cumarow idhaaf. ama ikhtiyaarbaan heystaaye allaan ku dhaartee hadii 70 mar kabdan hadaan u danbi dhaafweydiiyo layga aqbalaayo waan u weydiin lahaa yiri. marka nabiga naxariis buu ahaa dhamantiis oo hadafkiisu wuxuu ahaa in dadku diinta qaataan ee dan kama lahayn inuu naar udiro sidi uu cali ugu jwbay markuu qaybar calanka u dhiibay ladalanka iney alle ka qirayaan. marka dadka hadafkoodu yahay iney uun wax dilan farxana marki hebel gaaloobo waxaas diin maahan. ee ninkaan halagu dhiiri geliyo wanaaga yan lagu xad gudbin

  5. dalmar

    c/waaxid wax qaldan ugama jeedo ee ninka kadaaya xasadka nabiga csw asaaba jeclaa in ibnu salool soo islaamo. xad ku waajibay oo in ladilo ahna muusan jirin oo alle haduu nabigq csw aayad kusoo dejin lahaa wuu dililahaa. nabiga csw markuu c/llahi dhintay waa ku dukaday ee marki cumar kadiiday yiri cumarow idhaaf. ama ikhtiyaarbaan heystaaye allaan ku dhaartee hadii 70 mar kabdan hadaan u danbi dhaafweydiiyo layga aqbalaayo waan u weydiin lahaa yiri. marka nabiga naxariis buu ahaa dhamantiis oo hadafkiisu wuxuu ahaa in dadku diinta qaataan ee dan kama lahayn inuu naar udiro sidi uu cali ugu jwbay markuu qaybar calanka u dhiibay ladalanka iney alle ka qirayaan. marka dadka hadafkoodu yahay iney uun wax dilan farxana marki hebel gaaloobo waxaas diin maahan. ee ninkaan halagu dhiiri geliyo wanaaga yan lagu xad gudbin. waa iga talo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>