Muu Ictisaamku la Heshiisyo Salafiya Jadiidah? Maxaa Sheekh Cukaashe loo Saari waayey Cimaamad

Print

الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه، أما بعـد

seddexsheekh1Waxaad arkeysaa in Ictisaam iyo Soomaali badan leeyihiin: haloo midoobo dagaalka Shabaabka! Awabal Shabaab waa laga soo horjeedee maxay soo kordhinayaan bayaannada cusub? Soomaalidu waxay tiraahdaa: Maroodigu ma arko takarta saaran! Maxay Ictisaam iyo Salafiya Jadiidah u heshiin waayeen? Mise Salafiyah Jadiida waa xag-jir? Ama Shabaab?

Run ahaantii, howlaha isu-keenidda Soomaalida guud ahaan iyo midda Salafiyiinta wax weyn bay ka qaban karaan Ictisaamku! Suureyso iyadoo sheekh Cukaashe iyo sheekh Umal ku heshiiyaan Nairobi oo la arko iyagoo is dhinac fadhiya oo wada muxaadareynaya! Dacwada keliya dan uguma jirto ee xitaa nolosha dadka deggen Kenya ama Bariga Afrika iyo weliba Soomaaliya bay  saameyn weyn ku yeelaneysaa! Culumadan nin walba qabiil buu ka soo jeedaa! Shacabku waa ixtiraamaan culumada oo haddii la arko iyagoo wada jira waa sahlan tahay in dadweynaha Soomaaliyeed ee deggen Bariga Afrika iyo Soomaaliyaba isu soo dhowaadaan oo wax wada qabsadaan! Waxaa Kenya ku soo socda doorashooyin laga baqayo inay ka dhashaan rabshado. Haddii Soomaalida meesha deggen midowdo waa adag tahay in wax weyn la yeeli karo!

Sheekh Cukaashe wuxuu Ictisaam kala hadli jiray mas’alooyinka ay hadda ku heysteen Shabaabka! Arday badan oo sheekha wax ka baran jiray waxay raaceen Ictisaam! Ma laga yaabaa in wadaaddada Ictisaam raalligelin siiyaan sheekh Cukaashe iyagoo xeerinaya waxyaalo badan. Waa tii Xaddiiska Nabigu (SCW) ahaa:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” لا يحل لرجل أن يهجر أخاه فوق ثلاث ليال ، يلتقيان : فيعرض هذا ويعرض هذا ، وخيرهما الذي يبدأ بالسلام

Imaamu Bukhaari (RC) iyo qeyrkiisba waa wariyeen.

Saan horay u qornnay waxaa jira mashaariic ka socota Soomaaliya iyo Bariga Afrika. Haddii si fiican loo isticmaalo qorshayaashaas waxay keeni kartaa isku-soo-dhowaanshaha Muslimiinta Soomaaliyeed. Haddaba waxaa si xushmad leh looga codsanayaa culumada Ictisaam in inta waxay ka tirsanayaan sheekh Cukaashe iska liqaan, sheekh Cukaashe raalli geliyaan soona dhoweeyaan. Sheekha wax weyn buu ka qaban karaa Bariga Afrika iyo Soomaaliyaba. Haddii Ictisaamka intaas laga helo, insha Allaahu waxaa loogu bishaareynayaa in la arko kheyr degdeg ah oo faro badan iyo isku-soo-dhowaansho ka yimaada meelo aan la fileyn!

Golaha Dhaqangelinta Shareecada

Alkhilaafah.com

3 comments on “Muu Ictisaamku la Heshiisyo Salafiya Jadiidah? Maxaa Sheekh Cukaashe loo Saari waayey Cimaamad

  1. zubayr

    a/calaykum sxb webkan ninka iska leh ayaan la, hadlaayaa agee kugun tirinaa mise waaad tahay dabayshu meesha ay usocoto ayaad iska raacdaa wax yaalaha aad qorto ma miisaanta inta aadan qoraalka bilaabin

  2. Dek O jama

    Asalaamu calaykum
    waxaaan u fahamay qoraagu ma fahmin farqig u dhaxeeya Salfiya jadiid iyo ictisaam
    tan kale cukaasha wax galay ma jiraan mana ahayn manhajka salafiya jadiid soomaliya ninka ugu weyn ee wuxuu ahaa raga ugu waaweeyn sheekh ka mid ah mowduuca la isku hayayna waxaa ugu muhiim sanaa ururu ma jiro ee labo yeysan isku imaan khalad iyo khalad la’aan markaas kadib baa waxaa imaanaya jihaadku waqtigiisii ma gaaray mise ma gaarin
    Ictisaam iyagu waxay diidan yihiin kaliya dadka la gaalaysiinata soo celintii khilaafada oo rag qolo ay u shaqaynayaan aan la garanayn ay isku kali yeeleen meel ay ka yimaadeen la garan mahayo , iyo dadkii oo aan la kale saareyn oo la iska laynayo iyo fatwooyin aan la garaneyn cidda dani ugu jirto oo si aad u fududu la iskaga tuurayo , iyo aamus inta cululmo la laayo nimankii tanfiidka joogay ay iska aamusayaan , dad raba inay ay dadka jihaadka nacsiiyaan baa hogaankii jihaadka la wareegay , jihaad waa la yaqaanaa in lagaa adkaadana waa la yaqanaa laakiin inaad Amison ka carartid culumadana aad masaajidka lagu laayo ayeey ictisaam diidan yihiin

  3. qulqul

    Bismillaah.
    Ma rumaysni inuu jiro wax farqi oo u dhaxeeyo dhammaan xarakooyinka salafiga ah(AL-SHABAAB, AL-ICTISAAM, SALAFIYA JADIIDAH, AL-IKHWAAN IYO TABLIIQ).
    Farqiga u dhaxeeya keliya waa iney ku kala jiraan tandiimaad kala duwan. Haddaad doonto muxaadarayinkooda dhageyso ama kutubtooda akhri waxaad arkeysaa in isku meel wax loo wado.
    Waxaa laysku eedeeyaa: “idinku dadkaad kala didisaan” “mayee!” “idinkuna dadkaadan si fiican wax u barin, xaqaad qarisaan”
    Badanaa Salifiyadaa lagu eedeeyaa iney wax kala didiyaan, Ikhwaanka iyo Tabliiqana waxaa lagu eedeeyaa ineysan dadka diinta u gaarsiinin sidii la rabey.
    Isku soo duuduuboo eedeymahaas wax baa ka jira laakiin inta badan waalaga badbadiyaa.
    Salafiyada aad bey uga dadaal iyo miro dhalin badan yihiin Ikhwaanka iyo Tabliiqa. Laakiin “WAFII KULLIN KHAYRUN”.
    Iney midoobaan oo ay juhuuddooda tansiiq ku sameeyaan waa maslaxadda ummadda iyo manfadkii ay uga bixi lahayd dhibaatadan ragaadisey ummadda.

    Suufiyada SHIRKIYAADKA iyo BIDCOOYINKA diin ka dhigtey iyaga waa in mowqif mideysan laga qaataa si baadilkooda loo baabi’iyo.
    Wallaahi ummaddan iyo suufiyadaas aan soo sheegey haddii leysaga dhexbaxo ummaddan waxay mari lahayd meeshii ay Yuhuud iyo Nasaaro mareen. Inxiraafkan gaalnimada ahee Yuhuudda iyo Nasaarada ay ku dhaceen waxaa keeney wadaaddo aan waxba doorin SUUFIYADA SHIRKIYAADKA iyo BIDCOOYINKA KU DHEGAN. Ta’wiil aan Saa’igh ahayn, bidco la buunbuuniyo iyo shirki shaar qurux badan loo xiro Suufiyadaa loogu iman.
    Khatartooda yaan la dhayalsan meel halooga wada soo jeesto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>