Waxaad mooddaa inaan Soomaalideennu waxba ka baran taariikhda! Haddaannu nahay Alkhilaafah.com waxaan sheegeynnaa inaan labadaas Xarako midna wax ku wadin sidii ugu fiicneyd! Dagaalka Ictisaamku u iclaamiyey Shabaab ma aha mid faa’iido ugu jirto cidna, waxna kama soo naaso cadda! Beddelkeedana, Shabaabku waxay ka dhammaan waayeen qaraxyo laga sameynayo meelaha caamka ah iyo dabo=orodka dad maxaysato oon nolol iyo dhimashaba waxba ku towrneyn! Wataas gaalomadowdii oo waddanka ka buuxda, dad badan cadow u arkaan Shabaabka! In shacabka saas loo khaldo, ma waxaa ka dambeeya keliya gaalo iyo kuwa raacay? Maya, Shabaabkuna wax bay ku leeyihiin.
Haddii la diidayo taladayada, insha Allaahu, ciddii nool baa arki doonta meesha arrimuhu ku dambeeyaan! Sidaas darteed, fursad baa jirtee, waa la arkaa xaaladda waddanku marayee ma la wada hadlayaa?
Alkhilaafah.com




asc waad ku mahadsan tihiin taladiina wanaagsan lakiin hadii talo laqaadanayo wax badan ma qaldameen . Dhibka jiraa wuxuu yahay nin walba tiisa ayaa la quman warka gabagabadiisu waxa weeye diinta haloo noqdo kitaabka iyo sunaha lagu kala boxo kooxaysigana ha layska daayo