الحمد لله رب العالمين، وصلى الله وسلم وبارك على نبينا وإمامنا وسيدنا محمد بن عبدالله، وعلى وصحبه والتابعين لهم بإحسان إلى يوم الدين، أما بعد
Marka sheekh Boqolsoon (AUN) laga reebo, labadaas waddani waxay joogeen waqti aan dadku cilmi Islaam oo badan iyo mid maadiba lahayn haddana waxaad arkeysaa qaddiyaddii Barkhad Cas iyo Xalane xambaarsanyeen mid ku dhisan fidrada iyo caqli saliim ah! Waxay ka dhiidhiyeen gumeysi! Waxay diideen addoonsi! Waxay ka biyo diideen inay madaxa hoos u rogtaan oo gaalada u arkaan dad ka sarreeya!
Lama soo koobi karo dhaxalkuu ka tagay Hal-abuur/fannaan Barkhad Cas laakiin waxaa ka mid ahaa maansaduu tiriyey mar wafti Ingiriis ah booqanayey Hargeysa! Ogaada, markaas Waqooyiga Soomaaliya waxaa gumeysanayey Ingiriis! Barkhad Cas wuxuu yiri:
- Awoowgey ninkii indhaha tiray
- Ninkii aabbahay adoonsaday
- Ninkii anigana i iibsaday
- Ninkii ifka igu adduun tirey
- Haddaan ogohoo-nan ka aarsan karayn
- Haddaanan Aadanoow unuunka jarayn
- Asaag li’i baa ishaa i baddee
- Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee
- Aan ooyee albaabka ii xidha (1958)
Nasiibdarro dadkii sheeganayey cilmi baa hadda waxaad mooddaa inay gaalada ka leeyihiin:
- Ninkaas araggiisa
- Uurkaan ka jaclee
- Aan aadee
- Albaabka ii fura!
Ma aragteen meelaha gaalada kula shireyso Soomaali? Yaa goobjoog ka ah?
Dhashii Xalane baa la rabaa in la dhaho uma dhalan Somailand! Daljire Maxamed Cabdulle Xalane waa tuu lahaa markuu Xabashida kula dagaalayey Tog Wajaalle:
- Cadowgu bir ma ahee burburiya
- Ciiddeyda u diida cadaawaha
Daljirahaas wuxuu u arkayey in Waqooyiga Soomaaliya yahay dhulkiisa! Maxaa hadda keenaya sheekadaan maqmaqleynno?
Sheekh Boqolsoon warkiisa waa laga dheregsan yahay. Waxaa cad in hal-abuurkaas iyo askariga waqtigaas joogay naga qaddiyad fiicnaayeen! Oo dadka marka cilmigu u bato, soow tii indhuhu u furmi jireen! Waxaa dhici karta in wadaaddo badan sahladaan waxay qaban karaan qeybaha kala duwan ee bulshada! Qofkii Islaamka wax ka yaqaan waa ogyahay in qof walba oo Muslim ah laga rabo inuu diintiisa iyo dalkiisa difaaco! Dambi qof Muslim ah ku dhacay; ma keenayo in la yiraahdo waxba lama weydiinayo ama kama garab dagaallamayo! Sidaas darteed waa in dadkoo dhan laga qeybgeliyaa difaaca diinta iyo dalka! Waa in laga baxaa kooxeysiga! Waa inaan cududaar laga dhigan dadku wax ma fahmin! Dhallinyarada Soomaaliyeed intooda badan waa ka badshaan diinta Halabuur Barkhad Cas iyo halyeey Xalane maxaa jira fursad baa hadda jirta! Saasooy tahay, ma gaarnno cidda labadaas halyeey! Muhiim waxaa ah in qofku Muslim yahay. Sidaas darteed waa in dadka lagu dhiirri geliyo difaaca diinta iyo dalka!
Cali Ciise
Alkhilaafah.com
Muqdisho





Allaah ayaan uga baryayaa Janatul Fardawsa Sheekheenii Boqolsoon. Illaahay naxariis ha siiyo runtii waan tabaa mar walba Boqolsoon. Waxaan sidoo kale ogeyn meel uu aan iyo cirib dhigay shiikh cabdiraxmaan oo walaalkiis ahaa oo ay isku cod ahaayeen kaasoo markii iigu danbaysay kooxdan Shabaabka la dhaho ka cariyeen Suuqaxooha ee Muqdisho kadib markii uu yiri,” waa xaaraan in qof Muslim ah bastoolad madaxa looga dhufto mana ahan wax illaahay Janno loogu helayo daadinta dhiiga muslimiinta”