الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه، أما بعـد
Waxaan qarsooneyn in intii muddo ahba wada-hadal u socdo siyaasiyiin ka soo jeedda Hawiye iyo Isaaq iyo dhanka kale kuwa ka soo jeeda Daaroodka dega Soomaali Galbeed, Kenya, iyo Puntland! Waxaa hadda la sheegayaa in reer Galbeedku ka dalbadeen in madaxweyne Xasan Gurguurte aqbalo inuu Ra’iisul wasaare siiyo Somaliland; beddelkeedana reer Waqooyigu ka tanaasulaan goosashada!
Dhanka kale waxaa muddooyinkan dambe wada-hadal u socday Daaroodka kala dega Puntland, Soomaali Galbeed, Koonfurta Soomaaliya iyo Kenya iyagoo ka hadlaya in la isku xiro Jigjiga iyo Boosaaso iyo Gaarisa iyo Kismaayo!
Haddii aan heshiisyadaas khiyaamo iyo in Muslimiin lagu rogo laga wadin wax dhib ah ma leh, faa’iidaa ku jirta waxaana loo rogi karaa dhanka wanaaga! Waxaan shaki lahayn hadday Abgaal iyo Habar Jeclo ama Habar Gidir iyo Habar Awal heshiin karaan dhanka kalana Ogaadeen iyo Majeerteen heshiin karaan waxaan shaki lahayn in Soomaali oo dhan heshiin karto. Hadday heshiisyadaasi dhacaan oo dhab yihiin waxa heshiin kara Daarood iyo Hawiye ama Hawiye iyo Isaaq ama Isaaq iyo Daarood.
Yaa Heshiisyadaas Dhanka Fiican u Hogaamin kara?
Waxaa la rajeynayaa inay heshiisyadaas dhanka fiican u garqaadi karaan wadaaddada iyo dhallinyarada. Nasiib-darrada jirta waxaa weeye, kooxihii Salafiyiinta sheeganayey baa laga urinayaa qabyaaladdii!
Insha Allaahu, berri haddii Ilaah idmo baan soo qoreynnaa halka wadaaddada ka bilaabi karaan in arrintaas khatar weyn leh haddaan loo jiheyn dhanka fiican wax ka bilaabi karaan.
Golaha Dhaqangelinta Shareecada
Alkhilaafah.com





horta soomaalida abwaanadeeda waxaa laga sheegaa murti ay ka mid tahay ” cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer dawada lama gaari karayo” haddaba waxaan ula jeedaa walaalka c/waaxid khaliif waxaa ka muuqda taxawul la dhihi karo daacad buu ka yahay in kastoo mararka qaarkood aad ka shakineyso sida wax uga jiraan, laakiin waxaad moodaa ol-olihiisan cusub ee fikirkaan soomaalinimo iyo walaanimo guud ahaan oo laysugu yimaado wixii horena meel layska dhigo waa fikir qiimihiisa yeelan lahaa hadii meesha saxda loo maro, laakiin waxaad moodaa walaalku inaanu meeshii la doonayey u marin, waxaan taas ula jeedaa ururka alshabaab ee uu aadka isugu dhabarjebinayo inuu ogolaysiiyo soomaalinimada ma ahan mid taasi ka suurogelayso sababo badan awgood
1-horta alshabaab ma ahan koox goonideed u taagan oo ra,yigeeda iyo maamulkeedaba u madax bannaan waana urur ka tirsan ururweynaha alqacidda ee caalamka islaamka oo dhan ka jira, urukaas oo madaxdiisu isku taxan tahay min dable illaa madaxweyne.
2-maadaama aan soo sheegnay in uruka alqacidda ee alshabaab ka tirsan yihiin ay madax keliya leeyihiin oo looga laliyo waxaa mustaxiil ah in urukaas tandiimkiisa ay ku jiraan isla markaana afraadiisa soomaaliya uga wakiil ahi joogaan aanay suuro gal ahayn inay wax kale la iman karaan oo aan madaxdoodu ogeyn.
3-uruka alqacidda ee alshabaab ka tirsan yihiin waa mid leh usuul iyo manhaj iyo qawaacid u degsan oo ay ku socdaan noloshooda dacwadooda iyo iyo gebi ahaanba mustaqbalkooda oo aan marna aqbaleyn wax la yiraahdo taqyiir meel kale ka yimaada waliba diin ahaan ay u aaminsan yihiin.
4-waxaa ka mid ah usustooda iyo qawaacidooda ugu adag ee aan sinaba loo doorin karin wax ay ku tilmaameen in adduunka uu maanta ka jiro wax la yiraahdo xarbi caalami ah oo ay kula jiraan dhammaan wixii duwal gaalo la yiraahdo, waxaa kaloo meesha ay ka saarayaan oo aanay ogoleyn wax la yiraahdo duwal muslimiin ah oo wax alla wax xuduud la yiraahdo ma citiraafsana .
haddaba intaasoo dhan oo jirta ayaanay marnaba suuro gal ahayn inuu c/waaxid qorshihiisa soomaaliyeynta guud ah ku fulo si fudud oo waxaan oran karaa waa shibhu mustaxiil, taas daraadeed baa wax alla waxa alshabaab la soo gudboonaada ee qadaayaad nabad ama colaad ahi ay yihiin kuwo loo rafciyo jiho sare oo iyadu go,aan kasoo gaarta, waxaana tusaale ku filan waagii itoobiyaanku bexeen ee muqdisho ka baxeen qaar ka mid ah culimada soomaaliyeed kuwa ugu caansan waxaa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen inay wax wada hadal ah isugu yimaadaan ururka alshabaab qaadadiisa oo ay wax uun wada hadal ah ka yeeshaan xalka soomaaliya maadaama waddanku 20meeyo sano dagaal kusoo jirey, culimadaas oo aan kasoo qaadan karo sheekh maxamed cabdi umal, laakiin wax walboo culimadu isku daydey waxba waa kasoo naaso caddaan waayeen waxaana si fiican u faahfaahiyey sheekha laftiisa markuu kusoo laabtey Nairobi kenya ee uu qabtey muxaadaraadkii iyaga ahaa ee uu wadey 3da habeen ee islaamka oo u dhexeeya labo khatarood ahaa.
waxaa taas ku xigtey markii culimadu iskood usoo darxiyeen wax ay xal u arkeen oo qodobadii ay iclaamiyeen ahaa ee ay u jeediyeen kooxaha qoriga wata ee dagaalka u darbanaa qodobadaas oo ay ugu caansanaayeen in dawladii shariif looga fadhiyo inay shareeco dalka ku hogaamiso, ciidamada ajnebiga ahna loo kaadiyo muddo 4bilood ah, markey culimadu goaanadaas xagooda ah kasoo saareen uruka alshabaab jawaab kaliya isaga oo aysan kasoo yeerin ayaa waxaa jawaab afganistaan kasoo direy hogaamihii hore ee alqacidda ee la diley sh usama (aun) kaasoo ku hadlay kelmadii caanka ahayd ee ahayd in aan culimadaas soomaaliyeed warkooda la maqlin ee dagaalka la wado maadaama ay yihiin kuwo aan waxba la socon, intaas dabadeed waxaa ku xigey hadalkii isaguna caanka ahaa ee ina godane uu ku hadley kaasoo uu ku tilmaamayey ajiibitaanka hadalkii usama kaasoo ina godane uu ku yiri ” labeyka yaa usama” culimadii soomaaliyeedna uu ku koolleeyey inaysan culimo ahayne ay yihiin “culamaau suu” (waxaas aan leeyahay oo dhan ee hadaladaas ku saabsan waa yaallaan oo duuban yihiin, ogowna waliba waa intaaney iclaamsanin inay ku biireen ururka alqacida) waxaa jira iyaguna waxyaabo kale oo marag ma doonta ah oo aan kasoo gaabsanayo oo ku tusinaya sida alshabaab uu u yahay urur aanay wax talo ah ka goin oo ku saabsan masiirka ummadda soomaali la yiraahdo dalkeeda iyo dadkeedaba.
haddaba haday saas tahay waxaan oran karaa c/waaxid oo u muuqda nin qaangaarnimo ay ka muuqato waxaan oran karaa wuu ku daalayaa amaba wuu kasoo harayaa inuu xal soomaalinimo ah kasoo helo alshabaab ( ilaahay tiisuse waa meel ool) waanan soo tilmaamay baan filayaa sababta . taasi waxay marka la mid tahay cudurka kaaga dhaca fardaha oo aad dameer ka gubto, waxaan marka oran lahaa hadii walaalku ay waxaani dhab ka yihiin yaanu taarget ka dhiganin kaliya inuu xal ka keeno alshabaabe ha u calaamadeysnaado taarget uu higsanayo oo ah inuusan isku daalin waxii uu awoodi waayo ee uu isku taxallujiyo waxa uu kari karo, taas macanaheedu waxaa weeyaan hadii wax xal ah uu uga bixi waayo alshabaab ha ku gudbo oo gar ilaaheeday taqaane ha u gudbo cidii ogol inay nabad qaadato, hadii kale oo uuse xaalku noqdo ii giraangir hadaad ii giraangirsantana waa alxamdu lillaah, hadii kalese kusii riixi maayee waad saxsan tahay taasi waa mid aan daacadnimo ka muuqan.waxaanse leeyahay isaga laftiisu istiraatiijiyada arrinkaas uu ku waajahayo iyo dariiqa uu marayo qodxo badan baa daadsan ee ha isku dayo inuu marka hore dhinaca qodxuhu ugu daran yihiin xoogga saaro -macnaha xaqiiqo ahaan waxaan qabaa in soomaalida kale oo dhan aan laga waayeyn heshiis iyo wanaag ama jamaacaat ha noqdaan ama shacab iyo dawladgba ha ahaadaane, laakiin bal ha isku dayo inuu ka salgaaro ururka alshabaab oo hadii uu natiijo ka waayo goaan ha ka gaaro taasaan ku talin lahaa….
Salmaan
Maashaa Allaah. Intaan dhihi lahaa in ka fiican ayaad tiri.Jaaakallaahu kheyr.
Midda qabaa,ilka nafsaddeeda waxaan qabaa in wixii caadifad iyo laab la kac ah iyo wixii xaqaa,iq ku saleysan waaqica dhulka yaalla aan la isku qasin.