Guusha Shabaabku Gaareen: Shacab loo Fidiyey Cafis iyo Haweenay u Shaqeyneysay Dowladda oo la Dilo

Print

ciidanka ShabaabkaWaa aakhiru-zamaan. Maalin kasa balag baa naloo lulaa, waxaana noo baxa hillaac; marka ugu dambeysana lama helo meel hillaacaasi biyo dhigay. Waxaa hadda ka hor loo qabay Shabaabku inay yihiin Shamso usoo baxday Shabaabka oo shubahada la dagaaleysa, shanta tiir oo Islaamka si fiican u oogeysa, shacabka u naxariisaneysa, shisheeyana la dagaaleysa laakiin waxay hadda arrintu ka maraysaa qaraxyo laga sameeyo meelaha shacabka iskugu yimaado, haween dowladda u shaqeeya oo la dilo iyo iyadoo la dhaho: shacab baa cafis loo fidiyey!

Ma oraneynno faa’iido ma keenin oo arrintii Shirki-suulinta ahaa ma jirto wax loo dhigo laakiin waxay u dhowdahay inay ku dhacday sidii gabyaagu u lahaa:

  • Diifkeey cuneen wiilashii, damaca waalnaaye!

Ma wiilashii na lahaa waxaan tageynna Alaska, waxaan xoreynneynnaa Quddus baa saatan ula dhaqmaya shacabka Soomaaliyeed? Ma wiilasha u turi waayey shacabkooda oo dhammeeyey iyagoo gaadaya mid dayday ah oon dilkiisa iyo noloshiisuba faa’oodo lahayn baa hankaas lahaan kara!

Talo la iska diidyaye, bal aan aragnno halka Shabaab ku dambeeyaan. Waxaan shaki nooga jirin iska daa: Alaskee inaan saas lagu gaareyn Allay-baday ama Afgooye!

Alkhilaafah.com

3 comments on “Guusha Shabaabku Gaareen: Shacab loo Fidiyey Cafis iyo Haweenay u Shaqeyneysay Dowladda oo la Dilo

  1. ABDULKADIR

    haa sidaan oo kale in aaad u hadashaan maxaa idin diidaday awal warkiina maba kala cadeene shababu mujaahidiin baaba inagu wareerisay sxb mowqfikiina sidaa ha u cadaado ilaahayna waxaan idinkaga baryaa anaga iyo adinkaba xaqa ha ina tusiyo samna fidno ah ayaa lagu jiraaye waayoo aad baan u la yaabaa dhalin too looga fadhiye in islaam gar garaan oo maalinkasta wax aan macnl lahayn isku qarxiya ama dhiig muslim ah oo an waxba galabsan laaya hadana aan ka cudur daaran..bal ii sheega hal maalin oo ay shahabku cudur daarteen dad ay laayeen oo ay qalad ku dileen

  2. qulqul

    BISMILLAAH. Nimanyahow waxaad u muuqataan kuwo Shabaabka meel kaga dhacaya. eedaha aad Shabaabka u soo jeedineysaan waxaan qabaa in badan ineysan sax ahayn. Shabaabku khaldaad wey lahaan karaan laakiin intii tabartood wey dadaalleen welina dadaalkii ayey wadaan. ee annaga horta aan is eedeyno. kuwa jihaadka aan ka qeyb qaadan aan eedeyno. wax kale haddaanan qabanin bal Shabaabka taageero iyo talooyin aan siinno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>