الحمد لله رب العالمين، وصلى الله وسلم وبارك على نبينا وإمامنا وسيدنا محمد بن عبدالله، وعلى وصحبه والتابعين لهم بإحسان إلى يوم الدين، أما بعد
Waan wada ognnahay in Kacdoonkii Carabaha ka dhacay loo wada guuxay! Markii dhan laga eego, in xukaamtii ummadda dhibtay Ilaahay dulleeyey waa mid lagu farxo laakiin Kacdoonkaas iyo Dimuqraaddiyaddu ma keeneen faa’iido. Allaha Sarreeya baa leh:
قال تعالى: {يَسْأَلُونَكَ عَنِ الْأَهِلَّةِ قُلْ هِيَ مَوَاقِيتُ لِلنَّاسِ وَالْحَجِّ وَلَيْسَ الْبِرُّ بِأَنْ تَأْتُوا الْبُيُوتَ مِنْ ظُهُورِهَا وَلَكِنَّ الْبِرَّ مَنِ اتَّقَى وَأْتُوا الْبُيُوتَ مِنْ أَبْوَابِهَا وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ
Al-Baqarah 189.
Wax kasta waa in waddadoodii loo maro! Carabihii Mushrikiinta ahaa xajin jiray baa iska raaci jiray wixii dariiq looga dhigay! Ma sidoodii baa iska dabo galnnay dimuqraadiyad la ogyahay meeshay ka timid? Miyaan Nabi Muxamed (SCW) nooga digin inaan iska dabi gali doonno gaalo? Allaah baa leh:
وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ إِلاَّ رِجَالاً نُّوحِيۤ إِلَيْهِمْ فَٱسْأَلُواْ أَهْلَ ٱلذِّكْرِ إِن كُنْتُم لاَ تَعْلَمُونَ
An-Naxal 43
{ ٱللَّهُ لاۤ إِلَـٰهَ إِلاَّ هُوَ لَيَجْمَعَنَّكُمْ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَامَةِ لاَ رَيْبَ فِيهِ وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ ٱللَّهِ حَدِيثاً
An-Nisaa 87.
وَٱلَّذِينَ آمَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّالِحَاتِ سَنُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا ٱلأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَآ أَبَداً وَعْدَ ٱللَّهِ حَقّاً وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ ٱللَّهِ قِيلاً
An-Nisaa 122
Xitaa hal-abuurrada Soomaaliyeed waa yaqaannaan arrintaas waxaynna dhaheen:
- Wacadaraha Adduunkana
- Waxaa laga waraystaa
- Ruuxii waxgaradee!
Dadka Soomaaliyeed oo culumo ku jirto hadday rabaan inay ogaadaan arrinta Ikhwaanul Muslimiinka waxay ku fiicneyd inay dhageystaan Allaha u naxariistee sheekh Maxamed Quddub oo arrintaas baac ku lahaa! Muxuu ka yimid dimuqraadiyadda lagu inkaaray Ikhwaanul Muslimiin?
قال محمد قطب رحمه الله : بعض الناس يطيب له أن يستشهد بيوسف عليه السلام حين قال للملك الذي لا يحكم بما أنزل الله ( اجعلني على خزائن الأرض إني حفيظ عليم ) والقياس على حالة يوسف عليه السلام باطل
فإن يوسف ـ عليه السلام ـ لم يقل للملك ( اجعلني على خزائن الأرض ) حتى كان الملك قد قال له ( إنك اليوم لدينا مكين أمين ) أي أنه مكن له في الأرض وفي الحكم بحيث يأمر فيطاع ولا يؤمر فيطيع :
وهذا هو مفرق الطريق
وحين تكون هناك حكومة جاهلية لا تحكم بما أنزل الله تقول لرجل مسلم : تعال فتول لنا وزارة من الوزارات ، بحيث تكون أنت المخطط فيها والمنفذ ولا نتدخل في عملك بل ننفذ لك أوامرك ، فعندئذ لا حرج على الرجل المسلم أن يقبل العرض ، ويختار الوزارة التي يعلم من نفسه واستعداداته أنه كفء لها ويكون في موقعه ركنا من أركان الدعوة ، ومنفذا لشريعة الله فهل يحدث هذا في عالمنا ؟!
وحين لا يحدث ذلك فكل كسب وقتي تكسبه الدعوة ـ وهي تكسب مكاسب مؤقتة دون شك ـ لا يوازي الضرر الحادث من تمييع قضية الحكم بما أنزل الله في حس الجماهير ، وبالتالي تأخير قيام القاعدة المسلمة التي لا يقوم بغيرها حكم إسلامي ولا يمكن في الأرض
Saxwatul Islaamiyah (150-151)
“Sheekh Maxamed Quddub Allaha u naxariisto wuxuu leeyahay say u daliishayaan waa khalad oo Nabi Yuusuf (CS) wuxuu boqorka weydiistay in mas’uulkaas laga dhigo markii boqorku yiri: maanta agtayada waxaad ka tahay ammiin! Micnaha waxaa la siiyey awood buuxda iyo xukun oo markuu Nabi Yuusuf (CS) wax amro lana adeecayo.
Farqigu waa kan
Marka xukuumad jaahiliyo wax ku xukumeysa ay ku tiraahdo nin Muslim ah kaalay oo wasaarad hebel noo qabo adoo aan lagugu faro gashaneyn howshaada oo qorshaha iyo fulintaba iska leh, wixii qaraar ah ood gaartana aan fulineynno; markaas dhib ma leh in qof Muslim ah jagaka qabto maamulkaas, oo qabto wasaarad uu howsheeda yaqaan, una diyaarsan yahay, markaasna wuxuu noqonayaa daaci oo howl fiican u haya Muslimiinta, Shareecadii Islaamkana wax ku kala saaraya! Arrintaas ma jirtaa hadda caalamka?
Markeysan suurtoobeyn arrimahaasi kore, jago kasta oo waqtigaas Dacwada loo qabto – waaba mid iska xaddidan shaki la’aane; uma dhiganto dhibka soo gaaraya qaddiyada lagu jahwareerinayo dadweynaha ee ku aaddan xukanka aan ahayn kii Ilaahay soo dejiyey. Sidoo kale waxay dib u dhigeysaa saldhigii lagu istaajin lahaa dowlad Islaami ah oo la’aanteed aysan suurtogal ahayn inuu dhulka ka dhaqan galo Shareeco Ilsaami ah!”
Maxaa Masar iyo Tuunis ku Keeneen Dimuqraadiyad?
Ma garaneynnaa waxay u bannaan baxayaan dad badan oo u dhashay Masar iyo Tuunis? Waxay diiddan yihiin diinta Islaamka? Iyagu waxay leeyihiin: waxaan diiddannahay kooxaha xagjirka ah laakiin Ikhwaanku iyagaa dimuqraaddiyadda ka jecel cilmaaniyiintaas! Waxa la diidan yahay ma aha Mursi ama kan Tuunis heysta ee waa diin! Dadkaas tobannaanka kun gaaraya waxay diiddan yihiin diinta Islaamka! Soow wixii laga baqayey bannaanka ma imaan?
فَإِنَّهُمْ لا يُكَذِّبُونَكَ وَلَكِنَّ الظَّالِمِينَ بِآيَاتِ اللَّهِ يَجْحَدُونَ
Maxaa dilka mucaaradkii Tuunis ka galay dowladday doorteen? Imisa madax, kuwa Muslim sheegta iyo gaalaba la dilay? Imisa madaxweyne Maraykan la dilay? Waxaad la yaabeysaa caqli xumada dadka Muslimka sheegta qaarkood!
Allaah (SWT) iyo Rasuulkiisa (SCW) baa nooga digay arrimahaas! Ilaahay fadligiisa, annagu waan uga dignnay dadka arrimahaas! Runtii waa lagu farxay xukaamtii la riday laakiin waxaannu sheegnnay inaan Dimuqraadi wax lagu gaarayn! Haddana waxaan maraynnaa in shucuub Muslim sheegta u bannaanbaxaan iyagoo ka soo horjeeda diinta Islaamka! Iyagoo iskaga dhigaya inay diidayaan Muslimiin xagjir ah!
Qoraalka waxaan uga dan leennahay, shacab wax la bartay oo la tarbiyadeeyey baa fahma Xaqa ee inta laga soo baxo khiyaaliga lagu jiro bal intaan shacab la gaarin ha heshiiyeen wadaaddadu! Nasiib-darradu waxay tahay: bilo ka hor baa wadaaddadii Soomaaliya u waaweynaa qaarna lahaa: kuwaasi waa Khawaarij; qaar kalana lahaayeen: ciddii Manhajka kooxdaas ku qanacda waa gaalo! Ma la gaaray waqtigii Xaqa lagu heshiin lahaa?
Golaha Dhaqangelinta Shareecada
Alkhilaafah.com





Raggii shalay ay ku jihaadayeen ayaa maantana ku haysta siiba waxan ognahay in kuwaani beenaalayaasha ah ee Mursi u horeeyo ay horey danbi u galeen iyagoo magac Islam huwan. Dimuquraadiyadu waxay leedahay faa’iido badan marka laga reebo waxyaabo fara ku tiris ah. Ragga Mohamed Morsi u horeeyo, ma maantay rabbaan inay qabow ku cabaan sharaabka. Horta Islam oo ah diin ah xaq ah ma jirto cid joojin karta ku fiditaankeeda koomka aan ku dulnoolnahay. Waxaa dulmiga galay dimuquraadiyad si xun loo adeegsado iyo duul fudud oo diintaba baalmarsan oo haddana ah Kooxo miyir’la oo suurad xumayn mooyee aan waxba ugu fadhin mabda diineed ee Islaamnimo. Waxaa muhiim ah in la fahmo in dadku ay qaadan jireen diinta islaamka si dhamaystiran kadib marka ay ku qancaan habdhaqankii Nabbiggeenna Mohammed, Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa Ha ahaatee iyo asaxaabtisii. Kooxaha magacyada badan ee diinta xiligan u nasab sheegana ma ahan kuwa leh xitaa aqlaaqdii Muslinimo laakin waxay huwanyihiin fikir cajiib ah oo ku dhisan burburin iyagoon dadka kala sooceynin.